Wax Dhibaato ah Maa Soo Gaaraya haweenka Uurka Leh iyada iyo Waxa ay uurka ku wado Haddii ay Soonto?Haddii aad tahay Haween Uur leh Waxaa Maskaxdaada Badanaa ku Soo Dhacaya Su,aalo Fara Badan oo ay ka Mid tahay Sidee ayaad ka Yeeleeysaa Waajibka Ilaahey Ku Saaray Miyaad gudataa? Mise waad iska Dhaafeysaa? adiga oo u turaya Naftaada iyo Tan aad uurka ku Wado? hadaba waxaan Halkan kugu Soo gudbinayaa Talo aad u Wanaagsan oo ku Saabsan Arinkan Sida ay Haweenka ka Yeelayaan,Haddii aad uur leedahay (Hal Bil ilaa 9 Bilood) Waxba Ha wel welin,Soonka Waxba uma Dhimaya Caafimaadkaada iyo Uurka Waxa ku Jira,Waxaa Baaritaano Cilmiga oo la sameeyay lagu Soo ogaaday in Soonku uu Waxba u dhimeynin Hooyada iyo Waxa ay uurka ku sido,Laakiin Haweenku waa in raacaan Talooyinkan soo socda si ay u Gutaan Waajibkan Weyn ee Ilaahey ku Faradyeelay Caafimaadkooda iyo waxa uurka ugu Jirana ay u ilaaliyaan:
1- Uur Hadaad Leedahay Micnaheeda Ma ahan in aad u Baahantahay in aad Wax badan Cunto sida ay aaminsanyihiin dadka Qaarkood oo Sheegaan (Laba Naf ayaad tahay waa in aad Wax badan Cunto),Hadaba Muhiim ma ahan Badida Waxa aad Cuneyso,Balse waxaa muhiim ah in aad ka Fekerto Tayada waxa aad Cuneyso,Gaar ahaan Waxaa laga doonayaa Haweenka Urka Leh in ay badsadaan Cunnada ay ku Badantahay,Calcium ka sida:Caanaha Noocyadiisa kala Gadisan kuwa Caadiga ah iyo kuwa La Fariisiyay,Qudaarta leh Maadada Birta Sida Saladka ,Koostada,Gaar ahaan Qudaartan in ay Badsadaan waaye Haweenka ku Jira Bisha ugu Horeysa ilaa Sedexda Bil ee uurka.
2- Muhiim Waaye Haweenka Uurka leh in ay Cabaan Biyo Ka Badan Waqtiyada kale gaar ahaan Xilligaan oo Jawigu aad u kululyahay, si ay inta ay soomanyihiin aysan u dareemin oon badan.
3- Haweenka uurka Leh waa in aysan Afurkii Cunin Raashin Badan Hal jeer,Balse taas badalkeeda waa in ay raashinka Marba Xoogaa ka Cunaan ilaa laga Gaarayo Waqtiga Saxuurta,Sababtoo ah haddii ay Hal Jeer Raashin Badan Cunaan Waxaa Qabanaya Laab Jeex,Culeys,daal Fara Badan.
4- Haweenka uurka leh Waa in Maalinkii ay ku dadaalaan in ay Nastaan oo Howsha Guriga ay Marba Qayb Qabtaan oo aysan hal mar isku qabanin hawsha,Teeda kale waa in ay Nastaan Waqti ku filan oo ay Xitaa isku dayaan in maalinkii ay Hurdaan Waqti kooban
Xaaladahan Haddii ay Haweenka Uurka Lihi isku aragto Waxaa Haboon in aysan Soomin:
1- Haddii Dhiigu Hoos u Dhaco.
2- Haddii ay Qabow Siyaado ah ka Dareento Haweenka Uurka Leh Calaacaha Gacmaha iyo Lugaha.
3- Haddii uu Miisaankaadu Dhan Waliba iska Dhimo oo ay kugu Dhacdo Tabar darri oo aad awoodi weyso in aad Istaagto,Taas Micnaheedu yahay in Sokortaada ayaa si Xad Dhaaf ah Hoos ugu Dhacday.
4- Haddii aad dareento Wareer.
5- Haddii uu Cunuga Caloosha ku Jira uu Joojiyo Dhaq dhaqaaqa Xaaladdaas waa in aad sida ugu Dhaqsiayah Badan Dhaqtarka ula Xiriirtaa.
Waxaa Jirta Xaalada Gaar ah oo Haweenku iska Dhaafi karaan Soonka iyaga oo la Tashanaya Dhaqtarka:
1- Haweenka ka Xanuusan(Kelyaha,Beerka,Kaadi Haysta) oo Qaata Daawooyin isla Markaana loogu Baahanyahay in ay Cabaan Biyo aad u Fara Badan.
2- Haweenka Qaba Cudurka Sokorka ee Qaata Ansulinka,si aysan Sokorta hoos ugu Dhicin.
3- haweenka Qaba Cudurka Neefta ama Sambabaha ka Jiran ee isticmaala Bakhaakha(dawada Sanka la iskaga buufiyo) si ay u Neefsadaan,oo uuna Dhaqtarka u soo qoray in ay Quraacda Mar walba Cunaan si ay u Helaan Neef ku Filan.
4- Haweenka Qaba Wadna Xanuunka iyo kuwa laga qalay Wadnaha ee isticmaala Wadno artificial ah,Xaaladan Haweenka uurka leh waa in ay Dhaqtarka la xiraaraan inta aysan Soomin.
5- Haweenka ay Caruurtooda ku Sumoobaan uurka dhexdiisa.
6- Haweenka Haddii ay leedahay uur Mataano ah ama wax ka badan.
Ugu danbeyntii haweenka Uurka Leh waa in ay Ka fogaadaan Wax waliba oo Sababi kara Estareska Buuqa,Dooda faraha Badan,Qaylada Xanaaqa,oo ay isku dayaan in ay iyo in awooda wax ka badan ay sameeyaan si waxa uurka ku jiro uusan u soo halaabin ama banaanka u imaanin.ilaahey ayaa wax Xifdiyee Balse Haweenku waa in ay dadaal Siyaado ah Bixiyaan si ay Khatar kasta uga fogaadaan.
NB:Haweenka u Baahan Talooyin ku saabsan Caafimaadkooda dhan waliba fadlan Mar walba kala Xiriira Maxamed Deeq E-mailka.

By:Maxamed Abukar Sh.Xassan(M.Deeq)

E-Mail:deeq1982@hotmail.com
facebook: https://www.facebook.com/deeqyare1982