Tuesday, 6 August 2013

QOYSKA:Haddii aad leedahay dabeecadahan waa qasab in ninkaadu naag kale kula guursado(Talo haweenka u gaar ah, iska Jira !!! )




Haween badan ayaa waxaa ay ka cawdaan marka ay guursadaan ka dib in ninkoodu uu naag kale ka raadsaday ama la guursaday,iyaga oo ku bixiya waqti badan maseer iyo waxyaabo kale,hadaba waxaan kuu haayaa sababta keentay in ninkaadu uu naag kale kula guursado ee haddii aad leedahay dabeecadahan iska jar lagama yaabo in ninkaadu uu naag kale haweesto,dabeecadaha waa ay badanyihiin balse waxaan ku soo koobayaa 12 dabeecadood oo baaritaano badan oo la sameeyay lagu ogaaday in nimanka oo dhan ay si wada jir ah ay u necebyihiin dabeecadahan soo socda:

1- Tan ninka iska dhigta:

dabeecadan waa mid aad u xun haweenka qabana waxaa lagu arkaa badanaa iyaga oo la tirsanaya ninkooda dhan walba,oo ay ilowday haweeneyda xaqqa uu ilaahey saaray ninkan iyo darajada uu dheeryahay,waxaa la arkaa haween badan oo raba taladooda in aysan kaga amar qaadanin ninkooda oo iskala weyn,talada wanaagsan ee ninka u soo jeediyana aanan qaadanin,sidoo kale waxaa jira kuwo iyagu hawshii laga rabay oo guriga iyo caruurta la xiriirta raba mar walba in ninku uu la qaybsado,iyada oo aysan ahay dhanka caawinta,oo ay ku dhibayaan ragooda,hadaba waxaad ogaataa haddii aad leedahay dabeecadan oo aad mar walba ku xisaabtantid in ninkaada aad isku mid tihiin oo aad isku meel dhigtid adiga iyo ninkaada gaar ahaan hawlaha adiga kuu gaarka ah in ninkaadu uu kaa daneysnayo.

2- Tan hadalka badan:

dabeecadan waa naagta aan hadalka ka tagin oo mar waliba hadasha dooda,qaylisa,carabkeedu dheer yahay marka ay guriga joogto ama caruurta ku dhex jirta,sidoo kale waxaa ay jeceshahay in taladeeda ay noqoto tan ugu danbeysa dhan walba, maba ogola in taladeeda laga tago,arin kasta waxaa ay rabtaa in ay iyadu wax ka dhahdo oo teeda loo yeelo, xitaa marka ninkeedu u sheekeynayo ma ka sugeyso hadalka in ay wax uun tiraahdo ayey jeceshahay,waxaa laga yaabaa in ninkaadu waqtiyada hore kuu dul qaato laakiin ma sii soconeyso oo raga uma dulqaadan karaan hadalka badan ugu danbeyntiina waa uu kaa tagayaa oo meel kale ayuu kaa raadsanayaa oo aan buuq iyo hadal badnayn .

3-tan is bad badalka badan:

noocaan waxaa lagu kartaa waa kuwo isku darsaday dabeecada khiyaanada iyo beenta iyo akhlaaqda xun,waxaa laga yaabaa in ninka uu ku wareero waqtiyada hore sidii uu ku fahmi lahaay balse marka uu ogaado ayuu ka cararaa,waxaa laga yaabaa waqtiyada hore in ninku uusan fahmin dabeecadan balse uu xilli uun ogaan doono haddii ay naagtu been u sheegto odaygeeda ama ay khiyaanto,hadaba dumarka waxaa la gudboon in ay dabeecadan iskaga haraan si uusan ninku uga tagin.

4-tan muuqaalkeedu uu mar walba bahdilanyahay:

waa haweenta aan is daryeelin oo aan qubaysanin isna odgeynin oo mar walba waxaa ka soo shiira dharkeeda raashinka ay karineysay oo aysan u kala saarneyn waqtiyada ninka la isku diyaariyo oo xitaa waxaa suurtowda in dharkeeda jiifka uu ka soo shiiro raashinka ay karineysay,xilli walba lagama yaabo in ay leedahay soo jiidasho xagga ninkeeda ah oo waa mid uskag badan.

5-tan isku darsata dabaalnimda iyo jaahilnimada:

waa midda aanan waxba kala garaneynin oo alaheed alah,hadal ma taqaano,si ninka loola sheekeeyo ma taqaano iskaba daa qancintee,haddii ay hadasha waxaa ay ku hadaaqdaa hadal aan maco lahayn,jaahilnimadeedana xuduud ma lahan,oo waa uun qof wadata caalamadihii lagu garanayay dumarka,raguna muhiimada ugu weyn ay haweenka ka rabaan ma ahan in ay naageestaan kaliya ee waxa ay doonaan waa nolol dhameestiran hadaba haweenka noocaan oo kale ah waxaa la gudboon in ay doqonimada iyo jaahilnimada ka baxaan oo wax kororsadaan xilli walba,xitaa ninkooda ay usheegaan in aan wax barto ayaan raba adiga i bar ama i geey goob aan wax ku barto waa in ay ku dhahaan ninkooda,laakiinse haddaii ay sidooda iska ahaadaan waa la hubaa in ninku ka tagayo.

6- Tan faanka badan:

waa nooc isku maleeya in ay dadka oo dhan u qatarsantahay,odaygeeda u maleysa in uu yahay ninka aduunka ugu fiican,caruurteeda sidoo kale,waxaa ay u maleysaa in ay dagantahay guryahay kan ugu qatarsan,nolosha ay ku jirto in aysan jirin cid kale oo haysata.dadka kale umaba haysato in ay akteeda wax ka yihiin oo waa isla weynatahy,kibirna waa u dheeryahay,wax cajab galiya ma jiraan oo aanan ka ahayn waxa ay iyadu rabto,hadaba ragu ma jecla haweenka noocaan oo kale ah mustaqblkana waxaa ay ka raadsadaan naag kale.

7-tan ninkeeda isku dayda in ay ka sareyso:

waa tan mar walba isku dayda in ay amarto ninkeeda,oo maba maqasho hadaladiisa iyo ra,yigiisa,waxaa kale oo ay isku daydaa mar walba in ay ceebeesato odaygeeda oo marka ay asxaabteeda la joogto ama ehelkeeda ayey u sheegtaa ceebaha uu ninkeeda leeyahay.haweenka noocaan oo kale ragu ma jecla.

8- tan dagaalka badan:

waa midda mar walba odaygeeda la dagaasha ama dagaal ay dad kale la soo sameysay ayuu odaygeeda xaliyaa xilli walba waana shar u joog oo dagaalkeeda ayaa badan mar walbana waa laga soo dacwoonayaa, hadaba haweenka noocaan ah ayaanan ragoodu aysan jecleyn lagana yaabo in ay ka cararaan oo naag kale la guursadaan.

9- tan mar walba ninkeeda naagaha kale xumaantooda u sheegta:

noocaan waxa ay isku moodaan in ay iyagu aduunka u qatarsanyihiin,mar walba oo ay ninkeeda naagaha kale uga sheekeyneyso xumaantooda uun ayey u sheegtaa oo marnaba ma laga yaabo in afkeeda uu soo qabto hadal wanaag ah oo haweenka kale ku saabsan,xitaa haween kale haddii ay yihiin haween wanaagsan xumaato ayey u aliftaa.

10- tan ciyaal suuqada ah:

ciyaal suuqnimada kaliya ma ahan kuwa wadada taagan ee waxaa loola jeedaa tan hadalkeeda dhaqnkeeda akhlaaqdeeda uu ciyaal suuqnimo yahay,wax farqi ah uma dhaxeeyaan ciyaal suuqnimada shakliga qofka iyo dhaqnkiisa waa isku mid,haweenka noocaan ah raggu ma jecla waa ay ka fogaadaan.

11- tan nadaafada daran:

naagaha noocaan waa kuwo mar walba wasakh badan oo gurigooda iyo iyo dhogortooda iyo xitaa shakliga caruurtooda ayaa ka dareemeysaa in ay nadaafad lahayn,waxyaabaha ugu waa weyn ee ragu haweenka doonaan ayaa ah naag nadiifsan guri nadiifsan raashin nadiif ah iyo guud ahaan in ay naagto soo jiidato ninkeeda ma ahan nadaafada jirkeeda kaliya oo guriga iyo caruurtana waa la hilmaamayaa sida haweenka qaar ay sameeyaan ,waxaa haboon in haweenku mar walba ay nadiif yihiin dhan walba haddii kale ragu waa ay ka cararayaan.

12- Tan calool jileeca iyo oohinta badan:

waa nooc mar ka hore kicisa dareenka ninka oo soo jiidata balse waxaa laga yaabaa in ninku uu kala garan waayo xaaladaha ay ku sugantahay in ay been sheegeyso iyo in ay run sheeheyso,teeda kale waxaa laga yaabaa in ninku uu gaaro heer ah in uu hadal dhan ka ilaaliyo sababtoo ah waxaa laga yaabaa in ay iska beer jilcdo oo ay ooyso isaga oo ninkana hadalkaas uu ka waday sheeko iska caadi ah,waxaa laga yaabaa sifadan in haweenka qaar ay leeyihiin balse waxaa la iska ga jari karaa si tartiib ah ,sababtoo ah raggu ma jecla haweenka beer jileeca iyo calaalka badan.

ugu danbeyntii 12kan sifo ayaa waxaa la isku raacay haweenka leh in si dhaqso ah uu ninkooda uga cararayo oo uu naag kale ka aadayo maadaama aysan ahayn sabab lagu furi karo marka diin ahaan loo fiiriyo,markaas ayuu ninku naag kale la guursadaa,waxaana dhacda in naagtii ay maseerto,inta aysan maseerin waxaa haboon in ay iska goyso haddii ay leedahay sifooyinkan ama wax ka mid ah markaas lagama yaabo in ninku uu naag kale haweesto ama la guursado.






W:Q: Maxamed Abuukar Sh/Xassan(M.Deeq)
E-mail:deeq1982@hotmail.com
facebook: https://www.facebook.com/deeqyare1982

Sunday, 4 August 2013

QOYSKA:SIRCULUS !! 8 Nooc oo Haweenka ka mid ah uma haboona Guur(Warbixin Ragga u gaar ah)





Si Raggu ay u helaan Qaybtooda kale ee ka maqan oo loola jeedo in ay guursadaan,ma ahan arin sahlan waxaana ay u baahantahay in raggu ay aad iskaga fiirsadaan inta aysan guursanin haweenka Tilmaamahan leh oo laga yaabo haddii ay guursadaan iyaga oo aanan iska fiirin in dabin ay ku dhacaan.sidoo kale waxaa jira rag fara badan oo iyagu haweenka u raadiya dooqooda iyaga u gaarka ah iyaga oo aanan talooyin badan uruurin,

raguna fikradaha iyo talooyinka ay haweenka ka qabaan waa ay kala gadisanyihiin,waxaana laga yaabaa in aad la kulanto dhowr nooc oo haweenka ka mid ah balse maqaalkan ayaan waxaan idinkugu soo gudbinaya 8 nooc oo haweenka ka mid ah oo aanan habooneynin in nolol lala wadaago hadii aysan dhaqankan iska badalayeynin waana kuwan:

1- Haweenka guurka ku waalan:

Haweenka dhaqankan leh waxaad ku fahmi kartaa inta aadan is guursanin waxaa ay qorsheyneysaa nolosheeda mustaqbalka tusaale ahaan guriga ay dagi doonto nooca uu yahay,alaabta ay dhigan doonto,taashka ay xeran doonto aqalkeeda ,caruurta ay dhali doonto magacyadooda,haddii ay haweentu ay rabto guur dhab ah waxaa ay kaala hadashaa sidii aad u sameyn lahaydeen qoys waligiis jiri doona iyo waxa udub dhexaadka u noqonaya qoyskiisan,balse haddii ay kaala hadasho marka horeba arimahan aan soo sheegnay haweentaasi adiga kuma rabto ee waxaa ay dooneysaa waa uun in la yiraahdo heblaayo waa ay guursata iyo in laga sheeg sheego,hadaba ragga doonaya in ay doortaan haweenka ay guursan lahaayeen haddii ay gabadhu arimahaan kugu bilowdo is dhaaf guur iyo mustqabal kaama dooneyso, badina guurka gabdhaha noocaan oo kale ah si dhaqso ah ayuu u fashilmaa.

2- haweenka Quruxda badan ee aanan Caqliga qabin:

inta badan raggu waxaa ay raadiyaan Haween qurux badan,laakiin raggu marka ay helaan haweeney qurux badan oo aanan awood u lahayn in ay la sheekeesato ama ay fahanto hadaladiisa waxaa dhacda in si tar tartiib ah uu u naco isaga oo ugu danbeyntii gabi ahaanba ka wada taga, sababtoo ah haweenka aan caqliga lahayn hadalada sida ay rabaan ayey u fasirtaan marka ma haboona in qof aanan hadalkaada fahmeynin aad la noolaato oo caqliga gaaban,sababtoo eh hadaad doorato qof aananba hadalka kula fahmeynin waxaad u diyaar garowdaa nolol aad u adag oo laga yaabo in facaada ay kaa reebto.marka waxaa haboon in la raadiyo qof ugu yaraan hadaladaada kula fahmaya quruxda wax micno ah ma sameyneyso haddii uusan is faham meesha jirin.

3- Haweenka Noloshooda ku saleeya sheekooyinka Filimada ay daawaadaan:

 Guri kasta waa uu ka dhacaa khilaaf u dhaxeeya ninka iyo naagta is qaba balse ma ahan khilaafku in uu sababo waxyaabo kale,haweeneyda haddii ay ku daneyneyso waxba kama soo qaadeyso khilaafka idin dhex mara oo danteeda ayey ka wadaneysaa,maadaama laga hishiiyay,waxaadna ku ogaan kartaa haweenka dhaqankan leh doodooda waxaa ay bilaabataa xilliga ugu horeeya ee is barashadiina,xaqiiqadana waxaa ay tahay haweenka noocaan ah mar walba oo filin ama musal sal ay soo daawadaan oo qiso arintiina la xiriirta ay ku dhex jirto waxaa ay bilwdaa dooda taas oo xilli walba soconeysa,hadaba ragga haweenka dhaqankan oo kale leh haddii aysan ka leexanin waxaa u danbeyn doona in ay nolosha ka quustaan oo ay ku daalaan nolosha.

4-Haweenka ku xeran dadka kale:

Nin kasta waxa uu u baahanyahay in uu helo waqti uu gurigiisa firaaqo ugu helo si uu ugu nasto daalka iyo shaqada banaanka,ujeedooyinka ugu waa weyn ee guurkana waa qayb ka mid ah,balse dhibaatadu waxaa ay kugu dhaceysaa marka aad nolol la wadaagto haweeney aanan ka heleynin intaas,oo badanaa haweenka noocaan ah guryahooda ragu kuma nastaan ma yaqaanaan caruurta sida loo xanaaneeyo loona tarbiyeeyo oo waa ay kala daadsanyihiin gurigoodana jadwal ma lahan albaabkoodana waa iska furanyahay oo xilli walba dad uunbaa galaya oo dariska ama macrifadeeda ah ama ehelkeeda iyaga oo talo iyo hadal u wada xitaa raashinka  ay gurigeeda ka karineyso talo ayey u raadsaneysaa waana la la sameeyaa hawlaha dhan iskuma kalsoona kaligeed dhan walba, ama talefan ayey dhagta ku haysaa iyada oo xiriiradeeda ay aad u badanyihiin illen waa qof dad kale ka shidaal qaadatee,haweenka noocaan oo kale ah qofkii guursada waxaa laga yaabaa in uu noloshiisa ay mustaqbalka cuduro ku dhacaan oo naftiisa halis galin kara saas daraadeed waxaa haboon in marka horeba uu ka leexdo.

5-Haweenka oohinta iyo calaacalka badan:

iska ilaali haweenka mar walba ooya oo noloshooda dhan saldhig uga dhiga beer jileecsiga sababtoo ah ahweynaadaas waxaa ay ku cayaareysaa dareemahaaga oohinta ay ooneyso wax bey ku rabtaa ee dhab kama ahan,haddii aad xiriir la yeelato ama aad guursato naag mar waliba ooysa waxaa ay dhibaato ku keeneysaa mustaqbalkaada sababtoo ah ma kala garan kartid run iyo been xitaa mararka ay xanuunsantahay waxaana ay ku galineysaa nolol murogo ah oo mar waliba waxaad ku dhex jirtaa oohin iyo murugo caruur haddii ay kuu dhashana waxaa laga yaabaa in ay noqdaan caruur doqomiin ah oo aan waxba awoodin sababtoo ah waxa ay maalin walba ay arkaan oohin iyo cabaad,adigana waxba kama qabsan kartid oo wel wel ayaa kugu beeran mar waliba talaabna ma qaadi  kartid saas daraadeed waxaa haboon in aad ka leexato haweenka dhaqan leh.

6- haweenka khiyaanada badan:

haweenka oo dhan ma ahan khiyaanoolayaal balse waxaa jira kuwo dhaqan ka dhigta mar waliba in ay ragga ay xiriirka la leeyhiin ama qaba khiyaano si ay danahooda gaarka u gaaraan,khiyaanada ay sameeyaan ayaa u badan midda hadalka oo badanaa been ayey u sheegaan ragga ama wax bey ka qariyaan,iyaga oo ujeedka ugu weyn ay tahay in ay dhaqaalo ka helaan ama dano gaar ah oo ay leeyihiin ay ka oofsadaan,waxaa laga yaabaa in nimanka aysan si dhaqso ah u fahmin oo ay u seeta dheerayaan laakiin xiliga ay ku ogaadaan khiyaanada noocey doonta ha ahaatee xiligaas ayey ka dhaqaaqaan,hadaba waxaa la gudboon ragga in ay gabi ahaanba ka leexdaan haween ay ku maqleen ama ay ku arkeen khiyaano,sababtoo ah xilli aanan habooneyn ayaa laga yaabaa in aad ku soo baraarugtid.

7-Haweenka qarash isticmaalka badan:

badanaa Haweenka Noocaan ah waxaad ku daawataan aflaamta,gabar yar oo guursaneysa ama loo guurinayo nin ka weyn iyada oo ujeedada tahay in dhaqaalo ay ka hesho ninka,sidoo kale waxaa jira haween badan oo marka la guursado ka dib ku dadaala in ay dhaqaalaha ka dhameeyaan ninka iyaga oo qarash fara badan ka qaada iyaga oo ku mar marsiyoona in guriga u baahanyahay ama caruurta balse ujeedka ugu weyn ay tahay in ninkan aanan wax dhaqaalo ah u soo harin iyaga oo aaminsan in haddii ninka dhaqaalo haysto uu naag kale ka aadayo,balse taas waa caqli gaabnimo ay haweenka dhaqan leh ay aaminsanyihiin,hadaba isku soo duub  marba haddii aysan haweenta dhaqaalo kaydinta iyo isticmaalka ku fiicnayn uma haboona in la guursado ee iska ilaaliya haweenka noocan oo kale ah,haddii kale ceel aanan la gaareynin ayaa inta noloshaada ka dhiman qodi doontaa.

8-Haweenka hadalka iyo qaylada badan:

raga badankood ma jecla hadalka badan iyo qaylada badan,waxaana ay ku hamiyaan in ay nolol la wadaagaan haween socila ah oo nolosha dhan walba fikrad ka haysta oo haddii sheeko loo bilaaba awood leh in ay kula qaadaan mawduuca aad ka hadleyso,balse raggu ma jecla haweenka mawduuc aad kala hadleyso iyadana kaala hadleyso mawduuc kale oo ka gadisan waxa aad ka hadleyso sida quraacdi saakay la cunay iyo waxyaabo aanan mawduuca xiriir lala lahayn,sidoo kale gabi ahaanba ma haboona haweenka codka dheer in la la noolaado waxaa laga yaabaa in ay ar gagax ku ridaan caruurtaada iyo in ay fitno abuuraan,waxaa kale oo iyagana jira haween hadalkooda iyo sheekadooda ay tahay sidaas ayaa la yiri iyo wax ay soo maqashay in ay kuu soo wariso,isku soo duubow haweenka hadalka badan ayaana ku habooneynin in nolol la la wadaago sababtoo ah haweenka wanaagsna maa ahan mid hadal badan ee mid hawl badan oo anan waxa dani ugu jirin ku mashquusha.

ugu danbeyntii sideedaan nooc oo haweenka ka mid ah ayaa baaritaano badan oo la sameeyay waxaa lagu ogaaday in aysan guri dhaqin oo haddii ay guri yeeshaana uu noqonayo guri uun iska jira oo aanan lahayn wax macno,waxaana la gudboon ragga in ay aad iskaga fiiriyaan inta aysan guurasanin haweenka dabeecadahan oo kale leh ay ka feejignaadaan oo aysan nolol iyo guur la wadaagin.

NB: Ragga u baahan in talo laga siiya  arimaha Qoyska Caafimaadka qoyska fadlan la soo xiriira Maxamed Deeq E-milka Hoos ku qoran.



W.Q:Maxamed Abuukar Sh.Xassan(M.Deeq)
E-mail:deeq1982@hotmail.com
Facebook: https://www.facebook.com/deeqyare1982






QOYSKA:Toban Nooc oo Ragga ka mid ah uma haboona in ay Guursadaan is ilaaliya!! (Talo muhiim ah oo Haweenka u Gaar ah).



Ragga Dunidan ku nool ayaa waxaa ay leeyhiin dabeecado iyo dhaqano kala gadisan,kuwaas oo aad u fara badan halkaana lagu soo koobi karin,laakiin marka ay timaado in uu guursado ayaa waxaa jirta 10 dhaqan ama dabeecad oo ragga sameeya ay dhib ku tahay haweenkooda in ay isla dhaqmaan ,hadaba maqaalkan ayaan waxaan haweenka ugu soo gudbinayaa tobankaas dhaqan oo ay raggu leeyihiin iyo waxa haweenka la gudboon si ay dhaqanadaan haddii ay ragoodu qabaan ay uga baa bi,bin lahaayeen.

1- Ninka Ciyaal maamaha:

Ninkaada in uu Sifada ciyaal maama leeyahay ayaa waxaad ku ogaan kartaa marka uu calaamadahan leeyahay,waa nin aad u jil jilicsan dhan walba, jir ahaan, hadal ahaan,badanaa waxa uu jecelyahay in uu guriga iska joogo hoostana kaaga jiro, oo banaanka in uu baxo ma jecla,waxa uu leeyahay calool soo dhacsan taas oo ay u sababtay raashinka ay hooyadiisa badanaa siin jirtay inta uu la noolaay,marka ugu horeysa waxaa uu kugu soo jiidanayaa oo aad uga heleyasaa in uu kula daawado TVga barnaamijyada ka hadla haweenka iyo musal salada iyo kuwa ka hadla cunta ka riska.

waxyaabaha aad sidoo kale aad ku garan karto in ninkaadu ciyaal maama yahay ayaa ah isaga oo marka uu kula daawanaya barnaamijyada aan soo sheegnay dhammaantooda dhaha (kan horey ayaan u daawaday),si aad ahna marka aad ugu fiirsto oo uu rabo in uu cabiro jacaylka uu kuu qabo waxa uu kugu dhahayaa(adiga waxaad tahay gabadhii ay hooyadey waligeed ku riyoon jirtay in aan guursado),marka aad is guursataan oo aad aqal gashaana waxaad arkaysaa asaga oo wax badan oo haweenka u gaar ah oo adiga kuu qarsoon kaa yaqaana oo horey ayaa hooyadiisa uga soo sheekeeysay.

hadabada haddii aad rabto in aad ninkaada dhaqankaan ka joojiso waxaad ku tiraahdaa waxaan jecelahay ninka awooda in uu dharkiisa dhaqdo oo aanan hooyadiisa ku tiirsanayn waxaa laga yaabaa in uu iska dhaafo dhaqankaas oo uu nin rag ah iska dhigo.

2- Ninka Jecel Mowdada Cusub:

Ninkaadu in iuu sifadan leeyahay waxaad ku ogaan kartaa marka uu calaamadahan leeyahay,waa nin labis badan oo xaragooda,waxa uu badanaa la socdaa mowdada hadba wixii ugu danbeeyay iyo dhammaan dukaamada moodada cusub keenay meelaha ay ku yaalaan wuu garanayaa,waxa uuna leeyahay macluumaad adiga kaa badan dhanka moodada.

waxyaabaha marka ugu horeeya ninkaan kugu soo jiidaya ayaa ah labiskiisa qurxoon dharkiisa caadiga ah iyo kan shaqadaba,badanaa waxaa u xiran garabati dharkiisuna waxa ay u badanyiihn dhar marka caalami ah,waxyaabaha la isku carfiyo iyo costomatikada aad ayuu u soo gataa,marka aan soo koobo waa nin is tus tus badan.

waxaayabaha aad kula yaabeyso ninkaan ayaa ah dharkiisa waa ay ka badanyihiin dharkaada,oo marka armaajadiisa dharka loo fiiriyo armaajadaada waxaad noqoneysaa qof aan dhar qabin,waxa uuna aad u jecelyahay in uu ku raaco marka aad shoping soo sameyneysid,waxa uuna jecelyahay in uu ku siiyo talooyin la xiriira labiskaada iyo waxa aad soo gadan rabtid.

hadaba si aad ninkaada dhaqankaan ugu reebtid waxaad weydiisaa( Yves Saint-Laurent) kaan yaa waaye ku dheh? Yves Saint-Laurent waxa uu ka mid ahaa dadka modada alifa kuwa ugu qatarsan qarnigii la soo dhaafay asaga ayaa yaabaya marka uu ku arko in aad wax ka taqaano modada iyo dadka alifa kuwa uga qatarsan.waxaana laga yaabaa in uu joojiyo is tuska badan iyo showga uu badanaa kugu sameeyo.

3-Ninka  Bakhiilka:

Ninkaadu haddii uu sifadan leeyahay waxaad ku ogaan kartaa marka uu Calaamadahan leeyahay,waa nin u eg ruux taajir ah badanaa laakiin kama muuqato,badanaa ma aado xafladaha iyo munaasabadaha ilaa loogu yeero,waxa uu guursadaa asaga oo da, weyn.

waxyaabaha marka ugu horeysa ninkaan kugu soo jiidanayo ayaa ah dadaalkiisa iyo caqligiisa faraha badan ee la xiriira dhanka shaqadiisa iyo mustaqbalkiisa sida uu ugu fikiraayo,iyo hanka weyn ee ku jira marka aad aragto ayaad waxaad is leedahay allay lahee waa nin aad u wanaagsan.

waxyaabaha aad kula yaabeysid ninkan ayaa ah,hantidiisa oo dhan hal meel ayey ku baxdaa oo ah bankiga ayuu ku kaydsadaa ama meel ayuu dhigtaa,mana ogala in ay si dheel dheel ah ugu baxdo oo mar waliba oo qarsh loo baahdo cudurdaar ayuu kuu keenayaa oo ah in uu wax ku hagaajiyay lacagtiisa ama mashruuc uun ayuu ku dhex jiraa oo aanan dhammaanin mar waliba,oo ma arkeysid asaga oo aysan dhanka qarashka marna wax si ka ahayn,marka aad qabto xafladda dhalashada waa xanuunsadaa,haddii aad maqaayad isku raacdaan ama meelaha dadku ku badanyahay goorta la soo gaaro in lacagta la bixiyo 10 daqiiqo ayuu musqusha ku cararaa asga oo ku dhuumanaya  ilaa aad inta aad sugi weyso aad adigu bixiso qarashkii.

hadaba si aad ninkaada dhaqankaan ugu baab,ibiso waxaad ku dhahdaa(ma ogtahay in aan anigu ahay naagta aduunka ugu qarash isticmaalka badan oo waxaan ahay qof musrifad ah) waxaa laga yaabaa in uu iska dhaafo bakhaylnimada xad dhaaf ka ah maadaama uu ka baqayo in aad qarashka dhan aad ka wada isticmaasho wax ayuu ogolaanayaa markaas oo sida uu hadda yahay ma ahaanayo.

4- Nika Ciyaaraha aadka u jecel:

Nikaada haddii uu sifadan leeyahay waxaad ku ogaan kartaa marka uu calaamadahan leeyahay,waa nin xoog weyn oo murqo leh,mar waliba waxaa uu diyaar u yahay in uu ciyaar aado ama koox ha ka tirsanaado ama ciyaar saaxiibtinimo ha ahaato,waxa uu aad u jecelyahay in uu ku labisto dharka sportiga mar waliba.
waxyaabaha marka hore ninkaan kugu soo jiidanayo ayaa ah muuqaalkiisa qurxoon ee awooda iyo fir fircoonida leh,iyo  sida jirkiisu u dhisanyahay markaas ayaad waxaad is leedahay ninkaan xoogna waa leeyahay waana fir fircoonayahay oo waa ku kaalmeynayaa mar waliba.

waxyaabaha aad kula yaabeysid ninkan ayaa ah inta badan waxaa uu ku maqanyanyahay garoonka ciyaaraha ama meesha jir dhiska oo waqti kooban ayuu guriga joogaa waana waqti uu daalanyahay,marka uu guriga joogana muraayada ayuu agtaaganyahay asaga oo marba murqihiisa eegaya iyo qaab dhismeedka jirkiisa.

haddii ay dhacdo in uu casho kugu casuumo banaanka in aad ka soo casheysaan waxa uu ku geeynayaa meel ay ku xerantahay shaa shaadaha aadka u weyn oo ciyaaro ay ka socdaan.

hadaba si aad ninkaada dhaqankaan ugu gooysid waxaad soo ogaataa kooxda uu aadka u taageero,ka dibna adigu mar waliba taageer kooxda ay iska soo horjeedaan si uu tar tan idinkaga dhex bilowdo waxaadna ku dhahdaa in aad adigu tahay taageeraha ugu weyn ee kooxda ka soo horjeeda ,oo waxa uu kuu aqoonsanayaa in aad tar tan kula jirto waana uu yareynayaa dhaqankaas ileen adiguba kooxda ka soo horjeeda ayaad taageersantahaye.

5-Ninka haweenka  jecel:

Ninkaadu haddii uu sifadan leeyahay waxaad ku ogaan kartaa marka uu calaamadahan leeyahay,ha ahaado nin taajir ah ama nin faqiir ah waxa uu leeyahay calaamadan waxa uu haweenka kale ula dhaqmaa sida in ay qayb jirkiisa ka mid yihiin oo mar walba waxaad arkaysaa asaga oo haween uun daba socda,waxa uuna aad u yaqaanaa hadalada haweenka qalbigooda sida aadka ah u soo jiita,haweenka oo dhan waxa uu jecelyahay in uu la socdo,waxyaabaha marka hore kugu soo jiidaya ninkan ayaa ah,hadalada qalbiga u roon ee naxariista iyo kal gacaylka ka buuxo kaas oo qalbigaada si toos ah ugu dhacaya.

waxyaabaha aad ninkaan kula yaabeysid ayaa ah qaabka uu adiga kula dhaqmo ayuu haweenka kale oo dhan ula dhaqmayaa,waxaana dhacda xiliyada qaar marka uu rabo in uu ku amaano inta uu is iloowo in uu kugu yeero magac haween kale.

hadaba  si aad dhaqankaan xun uga goysid ninkaada waxaad ku dhahdaa(aabahay waxa uu qatar ku yahay sida waranka loo tuuro waxa uuna rabaa in uu si aad ah kuu barto oo kula sheekeesto),haddii uu adiga si aad ah kuu jecelyahay waxaa suurtoowda in uu iska daayo dhaqankaan.

6- Ninka Mashruuc alifaha ah:

Ninkaadu haddauu sifadan leeyahay waxaad ku ogaan kartaa marka uu calaamadahan leeyahay,badanaa waxaa ugu jira okiyaalo caafimaad oo uu ku qurux badanyahay,badanaa waxa uu gacanta ku wataa joornaal ama buug,marka aad sheekeysaneysaan waxa uu soo bandhigaa xeeldheerida aqoontiisa,waana nin wax badan ka yaqaana cilmiga iyo taariikhda.

waxyaabaha ninkaan marka hore kugu soo jiidanaya ayaa ah cod karnimadiisa iyo hadaladiisa xikmada iyo cilmiga xanbaarsan.oo aad ula dhaceysid,

waxyaabaha aad ninkaan kula yaabeysid ayaa ah waxaad la noolaaneysaa nin dooqiisa iyo fikradahiisaba ay daqiiqad walbaba is badaleyso ,tusaale ahaan waxaa uu kugu dhahayaa banaanka lagama soo casheeynayo caawa,wax hadiyad ah looma qaadayo xafladaha,waqtigiisa badanaa waxa uu ku lumiyaa in uu keeno fikrado cusub oo is bad badalaya,haddii uu khilaaf yar idin dhex maro waxa uu isku dayaa in uu buug ka sameeyo oo uu qoro sheekada khilaafkiina

hadaba si aad dhaqankaan ugu goysid ninkaada waxaad u sheegtaa  in aad wax badan ka taqaanid buugaagta ay dadkii hore qoreen ee cilmiga ku saabsan iyo in aad wax badan soo daawatay aqrisatayna sheekooyin ay dad hore oo caan ah ay qoreen waxaa laga yaabaa marka uu kuu dareemo in aad xoogaa wax ka ogtahay waxa uu maalin walba ka sheekeynayo waxaa laga yaabaa in uu dhaqankaan iska joojiyo.

7-Ninka  Khiyaaliga ah:

Ninkaadu haddii uu sifadan leeyahay waxaad ku ogaan kartaa waa nin dagan oo aanan hadal badnayn,codkiisu waa gaabanyahay,sheekadiisuna waa yartahay,kama dareemeysid bulshada dhexdeeda oo waa nin gooni u socod ah,waxyaabaha marka hore kugu soo jiidaya ninkaan ayaa ah adiga oo daneynaya in aad ka sal gaarto bal ninkan waxa u qarsoon oo uu hoosta ka wato,iyo in aad ka lib gaarto macnaha qosolkiisa oo ku dheehantahay  gal gacayl.

waxyaabaha aad ninkaan kula yaabeysid ayaa ah dadka waxa uu kula dhaqmaa hadba sida ay maskaxdiisu u suuradeyso,isaga oo aanan kula dhaqmin dadka xaqiiqda waxa ay yihiin,riyadiisuna badanaa waa mid ku dhisan wax khiyaali ah kamana shaqeeyo sidii uu u gaari lahaa himadiisa iyo riyooyinkiisa.

hadaba si aad dhaqan xun ninkaada ugu goysid waxaad u sheegtaa in aad jeceshahay aflaamta akshanka,ciyaarahana kuwa aad ugu jeceshahayna ay tahay tan musaaracadda waxaa suurtoowda in uu dhaqanka xun iska daayo.

8-Ninka jecel sinaanta:

Ninkaadu haddii uu sifadan leeyahay waxaad ku ogaan kartaa waa nin xamaasadeysan mar waliba,marka uu hadlayana waa nin aanan kontoroolin carabkiisa oo hadalka ku dagaalama kuna dooda,waxa uu jecelyahay in uu ka hadlo siyaasadda mar walba,waxa uu aad u qadariyaa kaalinta ay haweenku ku leeyihiin bulshada dhexdeeda,waxyaabaha ninkaan marka hore kugu soo jiidaya ayaa ah sida uu marl waliba ugu dooda xuquuqda haweenka iyo in ay waajib tahay in ragga iyo haweenku ay wax waliba isla wadaagaan,waxaadna is leedahay ninkani waa kii aad ka heleysay xaqaada oo dhan,iyo asaga oo gabi ahaanba aanan daawanin Chanaleada soo daaya ciyaaraha.

waxyaabaha aad ninkaan kula yaabeysid ayaa ah waxaad weyn doontaa waxyaabo badan oo haweenka kale ay haystaa sida in uu albaabka gaariga kuu furo marka aad gaariga isla raaceysaan ,in uu kaa bixiyo qarashka marka aad shoping soo sameysato ama aad maqaayad ka wada cunteysaan,in uu ubax kuu soo diro,ama gaarigiisa uu kugu sii gaarsiiyo meel aad ka deg deg santahay,waxa uu dushaada saarayaa mas,uuliyaad fara badan oo dhanka maadiga la xiriirta si uu kuu dareensiiyo in aad isku filnaansho gaarto mustaqbalka .

hadaba si aad dhaqankaan xun ninkaada uga goysid waxaad ku dhahdaa waxaan doonaye nin aan ku tiirsanaado dhan waliba oo dhinac waliba i garab si taagan waxaa laga yaabaa in uu dhaqankaan xun iska dhaafo.


9-Ninka Shaqada badan:

Ninkaadu haddii uu sifadan leeyahay waxaad ku ogaan kartaa waa nin ganacsi badan ,aqli badan,leh waxyaabo badan oo uu mustqablaka ku fikiraayo,waa nin haybad leh inta badan waa adagtahay sida aad ku hesho oo waa mashquul,waxyaabaha ninkan kugu soo jiidaya marka hore ayaa ah waa nin nolosha guul ka gaaray dhan waliba wax waliba oo aad u baahantahayna waa kuula diyaar mar walba dalbakaada iyo ka badan.

waxyaabaha aad ninkaan kula yaabeysid ayaa ah isaga oo aadan heleynin waqti walba waa mashquul ama lama heli karo,qofka kaliya ee aad heleyso marka aad u baahato waa sekertarigiisa taas oo talefanka kaa qabaneysa kuuna sheegeysa in aanan xiligan la heli karin oo uu mashquul yahay taas oo kuu sababaysa in aad asxaab dhaw noqotaan sekertarigiisa maadaama ay mar waliba talefanka kaa qabaneyso.

Hadaba si aad dhaqankan ugu goysid ninkaada waxaad ku dhahdaa waxaan rabaa maanta in aan waqti badan xafiiskaada kugula soo qaato aniga iyo adiga kaliya waxaa laga yaabaa in uu iska dhaafo dhaqankaan .

10-Ninka kalinimada jecel:


Ninkaadu haddii uu sifadan leeyahay waxaad ku ogaan kartaa ,waa nin wanaagsan oo romansy ah ,wax asxaab ah ma lahan ,waxa uu aaminsanyahay in qoraxdu ay daraadaada u soo baxdo una dhaco.waxyaabaha kugu soo jiidaya marka hore ayaa ah ahmiyadda uu ku siinayo iyo sida uu kuu daneynayo,waana nin aad u dareen badan,waxa uuna mar waliba raadiyaa jaanis yar si uu kugu qanciyo jacayliiksa.
waxyaabaha aad ninkaan kula yaabeysid ayaa ah waxa uu rabaa mar waliba in daraadaada uu u sameeyo wax waliba adiguna aad mar waliba dhinac joogtid,waxa uuna aad u daneynayaa mar waliba in aad asaga uun u soo go,do waqti waliba,.
hadaba si aad dhaqankan ugu goyso ninkaada waxaad ku dhahdaa waqtiyada iigu qiimaha badan waa waqtiga aan kaligey ahay waxaa laga yaabaa in uu iska dhaafo dhaqankaan .

DHAMMAAD


NB:Haweenka u baahan in la siiyo Talo la Xiriirta Nolosha iyo Caafimaadka Gurigooda Fadlan la soo xariira Maxamed Deeq,Emailka hoos ku qoran.

W:Q:Maxamed Abuukar Sh/Xassan(M.Deeq)
E-mail:deeq1982@hotmail.com
Facebook: https://www.facebook.com/deeqyare1982

CAAFIMAAD:Iska Jir 6 Caado oo Ramadaanka ay Dadku ay Sameeyaan




Bisha barakeysan ee Ramadaanka waa Bil Wadata Faa,idooyin Badan oo iskugu jira Kuwa Aduun iyo kuwo Aakhiraba,Faa,idooyinka Aduunka laga Helo ayaa waxaa ka mid ah in Bishani ay Tahay Jaanis uu Ka Faa,ideysan karaan Dadka raba in ay is Caateeyaan iyo kuwa qaba Cudurada Wadna Xanuunka,kuwa aadka u Cayilan,Dadka uu Cholesterol ku uu ku badanyahay,Kuwa qaba Cudurada Dhiig Karka ,Balse Faa,idada waxaa uu qofkan helayaa Marka uu iska ilaaliyo 6 Dhaqan oo Dadka Sooman ay Caado ka dhigteen inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.Hadaba Waxaan Halkaan idinkugu Soo Gudbianyaa 6 daan Dhaqan si ay Dadka iskaga ilaaliyaan.

1- in Biyo Fara badan la Cabo Xilliga Saxuurta Taas oo Dad Badan ay aaminsaniyiin,in ay jirka ku sii jireyso si ay uga   ilaaliso oonka Maalinta Ramadaanka,Laakiin Biyaha badan ee la cabo xiliga Saxuurta ayaa Sababaya in Kilyaha ay si aad ah u shaqeynayaan,haddii kelyaha ay si aad ah u shaqeeyaana waxaa dhacda in biyahii badnaa ee aad cabtay ay dhamaadaan taas oo sababaysa in oon saa,id ah aad dreento xiligii maalinka.hadaba waxaa lagu waaninayaa Dadka in ay cunaan saxuurta Fruits ka biyaha leh,sida Qaraha,Tufaaxa kuwaas oo si tar tartiib ah Jirka Biya u siinaya.

2- in Biyo aad u qabow ama Baraf leh la Cabo Xilliga Afurka oo lagu Bilaabo,taas oo sababeysa in dhaq dhaqaaqa Dhiiga uu ka yaraado Mindhicirada iyo Caloosha,waxayna  kuu sababi karta in dhibaato jirkaadu kaga timaado habka dheef shiidka,haddii dheef shiidka dhibaato ku timaadana waxaa qofka ku dhaca Qaras,Calool Xanuun,iyo Caloosha oo qofka Fariisata,hadaba waxaa haboon in aanan Biyaha Barafka leh lagu bilaabin Afurka,taas badalkeedana Afurka lagu bilaabo Timirta iyo koob Caano ah,Biyaha qabowga ee Barafka leh ayaa waxaa haboon in la cabo marka aad afurtid ka dib.

3- in lagu afuro waxyaabaha Saliida lagu shiilay noocii ay doonto ha noqoto,waxaa ay sababi kartaa in Calooshu ay sidii laga rabay ay wax u shiidi weyso taas oo badanaa dadka u sababi karta in uu Cayilo ama uu  ku dhaco  laab jeexa,hadaba wxaa haboon in gabi ahaanba la iska ilaaliyo waxyaabaha Saliida lagu shiilo xilliga Afurka.

4- in waxyaabaha  Mac-macaanka leh lagu afuro,waxaa ay u sababi kartaa Qofka in Xeerta ay Jirkiisa ku sii badato,iyo uu Qofku uu Cayilo,Cholestero kana  uu Jirkiisa ku bato,Saas daraadeed waxaa haboon in Waxyaabaha Mac-macaanka la Cuno Xilliga Salaada Taraawiixda ka dib,Asbuuciina hal ilaa laba jeer la cuno oo aanan Maalin kasta la cunin.

5- in uu Qofku aanan cunin Fruitska ,waxaa jira Dad badan oo aanan cunin Fruitska  xilliga Ramadaanka,hadaba Fruitska ayaa ah Halka laga helo Vitamins ka ,iyo Cusbada uu jirka Bani,aadamka u baahanyahay xilliga lagu jiro Bisha Ramadaan,waxaana haboon in aad loo badsado isticmaalka Fruitskaka  xilliga lagu guda jiro Ramadanka.

6- isticmaalka Cusbada  iyo waxyaabaha raashinka lagu carfiyo ee buhaaraatka iyo Bus baaska xilliga afurka iyo Saxuurta,Haddii uu Qofku isticmaalo waxaa ay u sababeysaa in uu dareemo oon Xilliga Maalinkii,iyo in uu Qofku Wadnaha si saa,id ah u garaacmo,hadaba waxaa lagu waaninayaa Dadka in ay isticmaalaan Liin dhanaanka caadiga ah oo ay Cusbada iska ilaaliyaan.

Lixdan Dhaqan oo ay Dadka Soomani ay Badanaa sameeyaan  ayaa Haddii ay iska Dhaafaan waxaa dhici karta in ay Soonka ka faa,idaan oo Caafimaad qab saa,id ah ka qaadaan , balse haddii la sameeyana dhibaatooyinka aan kor ku soo sheegnaya ayaa qabsan kara qofka sooman.



W.D:Maxamed Abuukar Sh.Xassan(M.Deeq)
E-mail:deeq1982@hotmail.com
Facebook:https://www.facebook.com/deeqyare1982

AQOON GUUD:40 Talaabo oo ku gaarsiinaya in aad nolasha si raaxo ah iyo wanaag ugu noolaato!!




1- Maalin walba soco 10-30 daqiiqo  adiga oo faraxsan.
2- fariiso kaligaa 10 daqiiqo adiga oo aamusan.
3- maalin kasta ka hurud 7-8 saacadood .
4- Nolahaada Maalin kasta ku Saleey sedex shey(awood+xamaas+caadifad).
5- ku dheel maalin kasta wax naftaada farax galinaya aadna ku raaxeysaneyso( game I.W.M.).
6- aqri maalin walba book ama kitaab ama joornaal, oo ka badan kuwii aad sanadihii la soo dhaafay aqrinjirtay.
7- u sameey waqti gaar ah oo naftaada cibaadeeysato( Salaad+ wardi+ Qur,aan aqris).
8- la sheekeyso waqtigaada qayb ka mid ah dadka da,ada ah (70 jir) iyo wixii ka weyn,iyo kuwo caruurta ah oo ay da,doodu ka yar tahay(6 jir).
9- inta aad soo jeedo sameey riyooyin ka badan inta aad hurudo.
10- badso in aad cunto raashinka dabiiciga ah,iskana yareey raashinka gasacadeysan ama baceysan.
11- cab biyo aad fu ara badan(2,5 Litr) Maalinkii.
12- ka qoslisii ugu yaraan 3 ruux maalinkii.
13- waqtigaaga ha ku bixinin waxyaabo macno darro ah(chating+hadal faa,iido la,aan ah,I.W.M).
14- iska iloow wixii horey u dhacay,hana soo xasuusinin qofka nolosha kula wadaagaya( Nin iyo Naag) qalada uu horey kaaga galay,sababtoo ah waxay dhib ku    abuureysaa waqtiga aad hadda joogtid.
15- iska ilaali fikradaha qaldan in ay ku hogaamiyaan ama aad raacdo,awoodaada oo dhan iskugu geey ka shaqeynta arimaha wanaagsan.
16- ogow noloshu waa sida iskuul oo kale,adiguna waxaad tahay arday dhiganaya iskuulkaas,dhibaatooyinka ku soo wajahana ay la mid yihiin maadada xisaabta oo kale oo u baahan in aad su,aalaha xisaabta ka shaqeyso oo kaliya.
17- Quraacda  u cun sidii Boqorka oo kale,Qadadiina u cun sidii amiirka oo kale,cashadiina u cun sidii qof faqiir oo kale ah.
18- dhoola cadeey wax badana qosol oo faraxsanaaw xilli walba.
19- nolosha waa waqti kooban ha ku dayacin waqtigaas kooban in aad dadka nacdo.
20- wax kasta ha u qaadanin in ay run yihiin ama ay dhab noqonayaan,( ahoow qof Xariif ah oo caqli badan).
21- qasab ma ahan in aad tartamada iyo doodaha aad adigu badisid mar kasta ( isku day in aad ogolaato waxyaabo qaladan xiliyada qaarkood).
22- iska iloow waqtiyadii kaa tagay xumaantooda ,si uusan kaaga xumaanin  mustaqbalkaada.
23- marnaba noloshaada hala bar bar dhigin ruux kale, ama qofka nolosha kula wadaagaya(nin iyo naag) ha la bar bar dhigin dadka kale.
24- ogow qof kaliya ee farxadaada  mas,uulka ka ah in aad adiga tahay.
25- iska cafi dadka oo dhan adiga oo kala reebin.
26- dadku wax ay kaa aaminsanyihiin, wax xiriir ah oo kaala dhaxeeyo ma lahan.
27- wanaaji mar walba rajada aad rabigaada u qabto.
28- xaalad kasta ood ku sugantahay(xumaan iyo wanaag) ogow in ay is badaleyso.
29- shaqadaada iyo hantidaada kuma daryeeli karaan xilliga aad xanuunsato,laakiinse waxaa ku daryeeli kara xilliga aad xanuusantahay asxaabtaada,saas dardeed
      daryeel asxaabtaada xilli walba.
30- ka fogow wax waliba oo aan faa,ido lahayn sida( wax aan raaxo lahayn,qurux lahayn).
31- xaasidnimadu waa wax waqtiga kaa luminaya oo kaliya.(wax kasta oo aad u baahantahay waad haysataa waadna sameysan kartaa).
32- wax walba oo wanaagsan gadaal ayey ka yimaadaan taas shaki kuma jiro.
33- si kasta ood wax u dareento, ha daciifin, kac oo horey u soco mar waliba.
34- mar waliba sameey waxa saxa ah oo iskal ilaali qaladka iyo xumaanta in aad adigu sameyso.
35- xiriir joogta ah la sameey waalidkaada iyo qaraabadaada kana war qab xilli kasta.
36- ahoow mar waliba qof rajeeya mustaqbal wanaagsan iyo qof  faraxsan.
37- isku day maalin walba in aad bixiso wax qaali kugu ah ood jeceshahay adiga oo siinaya dad kale oo shi sheeye kaa ah.
38- ilaali xuduudahaaga iyo kuwa dadka kale.
39- marka aad subaxdii soo toosto adiga oo caafimaad qaba u mahad neq alle S.W.
40- waligaa ha u shalaayin hana u murugoonin wixii ku dhaafay,mar walba bilow nolol cusub.



afartankaan tilaabo ayaa qofkii sida ay tahay u qaada waxa uu ku noolaanaya farxad waxa uuna gaarayaa horumar waana uu ka nolol duwanaanayaa dadka kale.

W/Q: Maxamed Abuukar Sh.Xassan(M.Deeq)
E-mail: deeq1982@hotmail.com
Facebook: https://www.facebook.com/deeqyare1982