Saturday, 21 May 2016

Separate ama (sebreetka) muxuu yahay?



Waa nin iyo naag is qaba oo ku kala nool laba deegaan oo kala gadisan,iyaga oo hishiis ku ah ama aanan ku ahayn,ayna dawladda ka qaataan lacag ka badan tan dadka kale ay dawladdu siiso,si ay ugu noolaadaan ilmahana ay ugu korsadaan.

Badanaana waxaa sameeya soomaalida ku nool wadamada reer galbeedka,waana wax aysan soomaalidu dhaqan ahaan lahaan jirin oo ku cusub, waxaana  badanaa marka aad si hoose u fiirsato dadka seprate ka sameeya ay u badanyihiin dadka ay diinta iyo il baxnimadu ku yar tahay.

Hadaba arinkaasi diinta islaamka marka la fiiriyo waa qalad ama danbi weyn oo ilaahey subxaanahuu watacaalaa naga xarimay in aan sameyno culimada muslinka dhanna waa isku raaceen,sababaha soo socda aawgeed.

1- been ayaa la sheegayaa,ilaaheyna beenta waa xarimay in bani,aadamka loo sheego ,muslin iyo gaalbo,waliba waxaa laga been sheegayaa guurkii iyo mas,uuliyaddii uu ilaahey saaray labada waalid,waxaa la leeyahay isma qabno caruurtana saaxiibtinimo ayaan ku dhalnay.

2- khiyaano ayaa ku jirta oo mujtamaca aad la nooshahay baad khiyaameyneysaa dawladii been ayaad u sheegeysaa,ilmo waalidkood jooga ayaa la leeyahay waa la is furay ama isma rabno,taasna waa xaaraan khiyaanada danbigeeda ilaahey waa noo sheegay inta uu la egyahay.

3-waxaad ilmahaada ku quudineysaa lacag aadan shaqeysanin oo xaaraan ah,oo been aad sheegtay kugu soo gashay,ilaaheyna waa naga xarimay in ilmaha lagu quudiyo lacag xaaraan ah,sababtoo ah iyagu danbi ma lahan mana awoodaan in ay shaqeystaan.waalidka ayaa mas,uul looga dhigay in uu ilmaha ku quudiyo wax xalaal ah.

Maxaa ku dhaca qoysaska seprate ka ku kala nool?

1- baaritaan la sameeyay waxaa lagu ogaaday in kala taga ,furiinka iyo guryaha duma boqolkiiba %80 ka badan ay u badanyihiin qoysaska separatka ku kala nool.

2- qoysaska ay soo fara galiyaan social ka  ayna kontroolaan ama ilmaha ka wataan boqolkiiba %90 waxay u badanyihiin kuwa seprate ka ku kala nool.

3- caruurtooda waxaa mar walba ku dhaca cuduro,isbitaalada ayaad ku arkeysaa iyaga oo ilmahooda oo jiran wada mar walba.

4-haddii ilmaha ay weynaadaan ma noqdaan kuwa nolosha heer ka gaara,waxay ka tagaan wax barashada,daroogo in ay isticmaalaan oo ay gadaan ayey isku badalaan,ka dibna xabsiyada ayey galaan,ugu danbeyntiina waxay noqdaan kuwa nolosha ka dhacay.

5- boqolkiiba boqol waxaa dhacda in qoysaska separate ka ku kala nool maalin uun la soo ogaan doono  oo la soo qaban doono dawladuna ay ogaato beenta iyo khiyaanada ay sameeyeen, maalinkaas ha dhawaado ama ha dheeraado,ka dibna la maxkamadeeyo laguna qasbo in ay dib u soo celiyaan dhammaan lacagahii ay horey u qaateen,ama xabsi ay galaan,sharciyadana lagala noqdo.

6- waxay noqdaan caruurtooda kuwa waalidkooda ku caasiya oo aanan daryeel iyo wanaag ka helin marka ay weynaadaan oo meel cidla ah uga dhaqaaqa.

7- waalidiinta qaarkood waxaa xira oo soo dacweeya xabsina ugu muteystaan ilmahooda ay dhaleen sababo aanan saas u sii buurnaynin.

8- waxaa ku dhaca waalidka cudurada halista ah oo laga yaabo in ay u dhintaan ama noloshooda inta ka dhiman saameyn ku yeesha.

9- guryahooda waxay noqdaan kuwa ugu liita xaafadda ay deganyihiin dhinac walba kuma filna lacagaha ay qaataan,baahiyahooda banaanka ayey taalaa,dadka dhan waa wada ogyihiin,waxay caan ku yihiin in mar walba ay deen raadiyaan.

10- waalidku waxay dareemaan aduunka korkiisa nolol murugu leh oo cabsi badan,mana haystaan farxad,waa ka shalaayaan mar walba noloshooda, caruurtooda,ugu danbeyntiina iyaga oo ceebeysan ayey dhintaan,iyadoo aakhirana ay sii sugeyso cadaabka ilaahey.

Marka walaalayaalow arimahani waa kuwo mar walba dhaca oo aan aragno,in la iska indho tiro ma haboona,si aan ugu bad baadno ubadkeenana ay u badbaadaan aan iska ilaalino intii wax maqleysana aan ku waanino.

By: Walaalkiin Maxamed deeq

La wadaag asxaabtaada waa intaas oo ay ku jiraan kuwa ka faa,ideysta.

Friday, 29 April 2016

NOOCYADA FARUURYAHA DUMARKA!!!

Rag badan ayaa ku jahwareersan in ay fahmaan  dumarkooda nooca ay tahay,si ay ula dhaqmaan hab dhaqanka  wanaagsan,hadaba baaritaan lagu sameeyay dumar badan ayaa lagu ogaaday in dumarku ay u kala baxaan faruuryahooda ilaa lix nooc,mid kastana ay leeyihiin hab dhaqan u gooni ah:

 nooca 1aad.


Waxay u badan yihiin naf jacayl,iyo in ay u dhaqmaan sida caruurta oo kale.

nooca 2aad.


Waxay jecelyihiin in ay wax walba ogaadaan,hantidana aad ayey u jecelyihiin,dooqooda waa is bad badalaa mar walba,waa ad adag yihiin,isla markaasna waa naxariis badanyihiin.

nooca 3aad.


Waxay leeyihiin caadifad xad dhaaf ah,kibir,isla weyni,maseer,iyo is yeel yeelid badan.

nooca 4aad.


Waa xanaaq badan yihiin mar walba,dagaalkoodana waa fooda hore.

nooca 5aad.


Waxay caan ku yihiin dooq waalan aanan sina loo fahmi karin aadna loogu wareeraayo, daqiiqad daqiiqad ayey isku badaleysaa.

nooca 6aad.


Waxay caan ku yihiin hadalka oo la cadeeyo, niyad wanaagsan,iyo naftooda oo ay aad u jecelyihiin.

Ugu danbeyntii haddii faruurta kore  ay ka soo baxsantahay tan hoose,dumarkaas waa niyad wanaagsanyihiin,naxariis badan yihiin,dhaqsana waa u cafiyaan haddii qalad laga galo.

Balse haddii faruurta hoose ay ka soo baxsantahay tan kore dumarkaas waa dayacaad badanyihiin,wax dan ahna kama galaan raggooda.

Baaritaankaan waa socdaa wali si toos ahna looguma kalsoonaan karo.

By:Mohamed Deeq




Wednesday, 2 March 2016

ARIMAHA CAAFIMAADKA

MA RABTAA IN AAD KALA OGAATO,HADDII AY MASKAXDAADA CAAFIMAAD QABTO IYO IN KALE? 

(Fadlan Warbixinta ilaa dhammaadkeeda aqri soona qor nombarka aad tahay si laguula taliyo).

Waa sawir ay adeegsadaan dhaqaatiirta cilmu nafsiga si ay u ogaadaan xaaladda caafimaad ee uu ku suganyahay qofka, si fiican u fiiri sawirka.

1- Haddii sawirka aad u aragto mid aan dhaq dhaqeynin oo wareegsaneynin waxaad tahay qof nafsad ahaan daggan oo xasilooni qaba.

2- Haddii aad sawirka u aragto in wax yar ay dhaq dhaqaaqeyso,wareegsaneyso waxaad tahay qof xoogaa yar wel welsan.

3- Haddii aad sawirka u aragto in si saa,id ah u dhaq dhaqaaqayo oo wareegsanaayo waxaad tahay qof wel wel siyaado ah qabo,waxaad u baahantahay in aad dhaqtarka u tagto sida ugu dhaqsiyaha badan.

4- Haddii aad sawirka u aragto in uu u wareegsanaayo sida marwaxad oo kale,ilaahey caafimaad ha ku siiyo waad  waalantahay, qur,aan isa saar,isbitaalka dadka waalan lagu haayo in aad tagto waaye oo bulshada ka dhex baxdid.

Hadaad su,aal qabtid si gooni ah qoraal inboxka iigu soo qor,adiga oo soo qoraaya,su,aashaada kaliya,

waxaan kuu balan qaadayaa in aanan xaaladaada qofna ogaaneynin,oo sir ay noqon doonto,talo ku anfaceysana waa lagu siinaa,walaalayaal waa muhiim  caafimaadka, gaar ahaan maskaxda ee ha lagu dadaalo ilaalinteeda, iyo daryeelkeeda,la wadaag asxaabtaada mowduucan,๐Ÿ‘saar boggan adiga oo mahadsan.

BY:Maxamed Deeq
Facebook.com/deeq1982

Sunday, 28 February 2016

MA TAQAANAA WAXYAABAHA KAA BADBAADIN KARA CADAABUL QABRIGA?


Hadaba waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa acmaasha kaa bad baadin karta cadaabul qabri.

ha iloowin marka aad aqrisato ka dib in aad noo soo duceyso,aniga iyo intii muslim ahba.

* waalidka oo loo asxaan falo.
* Weysaqaadka badan.
* Salaada.
* Digriga ilaahey oo mar kasta la aqriyo.
* Bisha ramadaan oo la soomo.
* janaabada oo si dhaqso ah la iskaga daahiriyo oo laga qubeysto.
* Xajka iyo cumrada.
* Qaraabada oo la xiriiriyo.
* Dadka oo wanaaga la faro xumaantana laga waaniyo.
* Dabeecad iyo dhaqan wanaagsan.
* Ilaahey oo mar walba laga cabsado.
* Haddii ay ilmo kaa saqiireen.
* In aad ilaahey mar walba khayr Iaga rajeeyo.
* In ilaahey dartiisa loo ooyo.
* In ilaahey laga fisho wanaaga.
* In mar walba lagu saliyo nabi muxamed(ุตู„ู‰ ุงู„ู„ู‡ ุนู„ูŠู‡ ูˆุณู„ู…).
* In mar walba la dhaho ereyga(ู„ุงุงู„ู‡ ุงู„ู„ู‡)

Aqriste hadda waad baratay waxyaabaha kaa bad baadin kara cadaabul qabriga,is weydii naftaada waxyaabaha la soo sheegay maxaad ka qabataa?maxaase wali aadan qabanin?ku dadaal in aad dhammaantood wada qabatid.

Ugu danbeyntiina amar ma ahan waa codsi like saar begkan lana wadaag walaalahaada kale si ay ugu faa.ideystaan.

Walaalkiin Maxamed Deeq
Facebook.com/deeq1982

Saturday, 27 February 2016

DHIBAATADA AY LEEDAHAY SOO JEEDKA BADAN


1- Xasuusta oo yaraata: taas oo sababeysa in aad waxbarashada ku guuldareysto,iyo in aad noqoto qof aan qaadan karin go,aano adag oo sax ah,iyo in aad horu kac nolosha aad sameyn weyso maadaama noloshaada iyo wax qabadkaada aadan xasuusan karin.

2- wel wel iyo murugo badan:dadka hurdada ay ku yartahay wel welka iyo streska ayaa ku badan shan jibaar,marka loo fiiriyo kuwa caadiga ah,nolosha wax waliba waa ka wel welaan.

3- Dhiiga qofka oo kaca: xanaaqa ayaa ku badan,ugu danbeyntiina waxaa ku dhaca,cudurada sida dhiig karka iyo kuwo kale oo halis badan oo maskaxda saameyn ku yeelan kara.

4- lafaha oo dhib soo gaara: baaritaano la sameeyay waxaa lagu ogaaday in dadka aan si fiican u hurdin ay dhibaato ka soo gaarto dhuuxa oo ka dhamaada iyo macdanta lafaha ku jirta oo yaraata taas oo sababeysa in qofka lafa xanuun joogta ah ku dhaco ugu danbeyntiina socon waayo oo jiis noqdo.

5- jirka oo is difaaca ka dhammaato: taas oo suuru galineysa in cudurada dhammaan ay kugu dhacaan si fudud,taas oo halis galin karta nolosha qofka,lagana yaabo in cudur fudud oo halis badan lahayn u dhinto maadaama jirka uusan cudarada iska difaaci karin.

FARQIQA U DHAXEEYA DADKA FIKIRKA FIICAN IYO KUWA FIKIRKA GAABAN

Casharka maanta, 27/02/2016


1- dadka fikirka fiican(caqliga badan)

* wuxuu ogolaadaa oo uu aqbalaa caqabadaha nolosha soo wajahi kara,kama baqo,wax kasta oo ku dhaca.

* Wuxuu raadiyaa sidii uu u wajahi lahaa,xalna ugu heli lahaay caqabadaha soo food saartay.

* In uu wax sku dayo waxa uu u arkaa wadadii uu ku  heli  lahaa in uu gaaro hadafkiisa guusha kamana caajiso.

* Wuxuu ogolaadaa in la naqdiyo iyo in talo la siiyo.

* Horumarada dadka kale ay gaaraan waxa uu u arkaa mid ku dhiirigalinaaya in uu gaaro guusha,wuu kaga daydaa wixii wanaagsan,balse sooma wada koobiyeeyo.

2- Dadka fikirka gaaban(maan gaabka,dabaalada)

* Wuu ka fogaadaa mar walba caqabadaha soo wajahaya nolosha,wuuna ka baqaa,in dhib dhan soo gaarto noloshiisa.

* Haddii ay caqabad nolosha ah ay soo waajahdo waa isku dhiibayaa dhibka soo gaaray ,ma xalisan karo.

* Iskuma dayo in uu xaliyo caqabadaha soo wajahay ee nolosha la xiriirta,waligiisa waa ku dhex jiraa dhibaatada.

* Ma ogola in la naqdiyo ama in talo ,waano caqli celin intaba la siiyo.

* Wuu ka naxaa kana wel welaa horumarada ay dadka kale sameynayaan.

Aqriste hadda wixii ka danbeeya waad kala fahantay farqiga u dhaxeeya dadka fikirka gaaban(maan gaabka) iyo kuwa fikirka fiican(caqliga badan).midka aad tahaybo,haddii aad ka mid tahay kuwa fiican sii kororso ,haddii aad ka mid tahay kuwa fikirka gaaban iska badal oo talooyinka kor ju xusan sameey.

La wadaag walaalahaada kale in ay ka faaidaan ayaa laga yaabaaye.

By:Mohamed deeq
Facebook.com/deeq1982

Wednesday, 24 February 2016

XIKMADA MAANTA

24/02/2016

*Haddii aad rabto in aad ku noolaato nolol isku dheelitiran,ka fogow dadka haddii ay kuu baahdaan si dhaqso ah kuu helaaya,hadaad adiga u baahatana aadan heleynin,ood ku dhibtooneyso raadintooda.

* Qofkii kaa dhigata jid uu u maro si uu danahiisa u gaaro,adiga ha ka dhiganin qof qalbigaada daga ood ka fekertid mar walba.

* Waxba ha ka wel welin qofkii ku gooya oo ku soo xiriirin waaya,maxaa yeelay waxaa jira dad badan oo markii ay danta ay kaa lahaayeen dhamaato aadan dib danbe warkooda u maqleynin,kuna soo raadineynin.

Tuesday, 23 February 2016

DHAQANADA AY LEEYIHIIN DADKA NOLOSHA KU HORMARAY


1- waxay dadka kale la raadiyaan sedey ku heli lahaayeen nolol farxad leh.

2- waxay ka sheekeeyaan fikradaha cusub oo ay nolosha ku soo kordhin lahaayeen.

3- maalin walba wax bey aqriyaan sida:(book,joornaal,kitaab)wax joogta ah kama baaqato wax aqrinta.waqtigoodana waa ka fii,ideystaan.

4- waxay la  rabaan dadka kale in ay noqdaan sidooda oo kale oo ay nolosha horumar ka gaaraan.

5- mar kasta wax bey bixiyaan,dhaqaalo,cilmi , waxa alla iyo wixii ay awoodaan in ay dadka kale siiyaan,waxba kama bakhiilaan naftooda iyo nafaf kale.

6- waxay sameystaan qorshayaal iyo goolal u gaar ah oo ay nolosha ka tiigsadaan,kaas ayeyna  daba raacaan,kuma mashquulaan nolosha dadka kale.

7- mar walba wax bey bartaan kama caajisaan, kamana mashquulaan da, walba oo ay jiraan,iyo xaalad kasta oo ay ku suganyihiin.

8-dadka kale waxa ay ugu sheekeeyaan khibradahooda faa,idada leh ee wanaagsan oo ay nolosha ka soo mareen si looga faa,ideysto.

9- haddii uu gaf ka dhaco waa ay ogolaadaan khaladaadkooda,naftooda iyo tan dad ka kalena waa ay u qiraan,ma inkiraan khaladkooda.

10- mar kasta wey iska cafiyaan dad kale, xittaa haddii lagu qaldamo.

11- waxay ku farxaan oo ay amaanaan mar walba horumarada   dad kale ay gaaraan,kama naxaan.

12-haddii noloshooda ay wax  is badal ah ku dhacaan sida,faqri,xanuun,hanti helid,iyo wixii la mid ah iyaga oo ku faraxsan ayey soo dhaweeyaan.nolosha is badaladeeda kama cawdaan.

Ugu danbeyntii aqriste waxaan filayaa in aad fahantay dadka nolosha ku hormaray waxa ay sameeyaan,hadaba ku dayo oo sameey dhaqanadaan si aad adigane ugu mid noqoto dadka nolosha ku hormaray.

W/Q:Maxamed Abuukar Sh/Xassan(M.Deeq)
Facebook.com/1982

Monday, 22 February 2016

XIKMADDA MAANTA

Mararka qaar adiga oo raba in aad albaabka iska furto ayuu kuu furmi weynayaa,markaas ayaad xoog u adeegsaneynsaa (gacantaada ama lugtaada) si uu u furmo,waa xanuunsaneysaa,
albaabkiina wali kuuma furmin.

ka dib waxaad arkeysaa oo ogaaneynaa in albaabku u baahanyahay oo kaliya in dhinaca kale laga soo furo,oo uusan xoog u baahneyn,,,waa isku qosleysaa,,,markaas ayaad iska fureysaa albaabka,,,

Sidaas oo kale waxaa ah xalinta dhibaatooyinka,
laguma xaliyo xoog ee xeelad ayaa lagu xaliyaa.

TARBIYADA ILMAHA


22-02-2016

Su,aalo ku saabsan bar baarinta ilmaha oo anfacaya waalidka si ilmahooda u noqdaan kuwo wanaagsan.

S= ma ku xadgudbaa dadka kale?
J= Waxaad tahay qof dagaal badan.

S= wax ma xadaa,tuug miyaa?
J= ma barin in wax la bixiyo,waxna la qaato.

S=mar walba ma xanaaqsanyahay?
J=ma amaantid.

S=ma been badanyahay?
J= aad ayaad ula xisaabtantaa.

S=wax ma ku siiyo miyaaa?
J= waxaad ku badisaa wax weydiisashada,iyo calaacalka.

S=bakhiil miyaa?
J=waxba lama wadaagtid,kaligiis ayaa is dabara,in aad wax siiso ma barin.

S=kalsooni darro miyaa haysata?
J=ma dhiirigalisid.

S=ma hadal yaryahay?
J=lama sheekeysatid.

S=ma ku dhibaa?
J=xabadka ma galisid mana dhunkatid.

S=ma qof daciif ah oo miskiin ah?
J=waad handadaa,ku qaylisaa,dishaa.

S=ma yahay qof gooni u socod ah?
J=waad ka mashquulsantahay.

S=fuley miyaa oo ma ka cabsadaa dadka kale?
J=waad difaacdaa mar walba,gar iyo gar darro.

Ugu danbeyntii akhriste hadaad ilmahaada ku aragto calaamadahan,adiga isku noqo ee dhaqankaada wax ka badal ,talooyinka kor xusan sameey adiga oo dad kale u sheegin xaaladda uu ilmahaada ku suganyahay kaligaa ayaad xalisan kartaa,uma baahnid in lagula taliyo.oo mar walba dhahdid ilmaha ayaa sidaan ah,sidaan ah.

W/Q:Maxamed Abuukar Sh/Xassan(M.Deeq)
Facebook.com/deeq1982

Friday, 19 February 2016

SIDEED KU OGAAN KARTAA IN XAASKAADU KU KHIYAANEYSO!! (u gaar ah ragga)


ujeedka mawduucan ma ahan in shaki laga dhex abuuro qoysaska balse waa in dadaal dheeraad ah ay bixiyaan Lamaanayaasha is qaba si ay u helaan nolol raaxo leh oo kalsooni ku jirto.

Sidoo kale ragga soomaalida waxaa caado u ah in haddii ay xoogaa is fahmi waayaan xaaskiisa hore in uu ka tago oo uu xaas kale guursado,isaga oo xalinin khilaafkii guriga ka taagnaay,taas waxa ay sababi kartaa maadaama haweenku sida uu rasuulku caleyhi salaam sheegay ay yihiin kuwa diinta iyo caqligaba ku yar yahah in ay ku kacaan fal khiyaano ah iyaga oo ku xumeynaya ninka(haweenka dhan ma wada ahan),ama isku ilowsiinaya buuqii ku furnaay.

Dadka soomaalida marka ay is guursanayaan waa dad iska aamina qofka rag iyo dumarba iyaga oo fiirinaya qoyska uu ka soo jeedo kaliya iyo meesha uu ku soo koray,waxayna dhahaan "qof la yaqaano guurso wax la yaqaano aad dhaleysaa"ma fiiriyaan dhaqanka iyo akhlaaqda qofka taas ayaana ka muhiimsan aqoonista dadkiisa,gaar ahaan inta uu qofka ka yaqaano diintiisa iyo sida uu ugu dhaqmaayo.

Haddii ay khiyaano dhacdo waxaa suurto gal ah in nasabka caruurta shaki galo,ama caruur uusan aabaha lahayn u joogaan ,in ay kugu dhacaan cuduro halis ah,iyo in uu ninku sabab u noqoto halaaga xaaska aduun iyo aakhiro asaga oo ka bad baadin karay falkaas foosha xun ee ay ku kaceyso.

Nolosha qoyska waxaa loo baahanyaha in uu jiro jacayl iyo ixtiraam joogta ah oo  labadaba is dhaafsanayaan,iyo kalsooni buuxda oo la isku qabo,taas oo sababeysa in qoysku noqdo mid hela nolol farxad iyo degnaansho leh.

Hadaba halkaan waxaan ku soo gudbinayaa caalamada dhawr ah oo haddii xaasaska lagu arko laga yaabo in xiriir kale ay la leedahay nin kale( dhammaantood ma wada ahan qasabna ma ahan in haddii calaamadahan lagu arko ay khiyaano sameyneyso),waxaana lagu ogaaday arintaan baaritaano badan oo la sameeyay oo ay haweenkii ka qayb galay ay iskaga mid noqdeen calaamadahan,aqriste ha fududeysanin isku day mawduuca ilaa dhamaadkiisa in aad aqrisato si aad u fahanto ejeedka sheekada calaamadahana waa sida soo socota:

1- dhaqano cusub oo qarsoon 

hadaad si fiican u taqaano xaaskaada si fudud ayaad u fahmi kartaa dhaqanada qarsoon ee ay sameyneyso xaaskaada oo aadan horey ugu baranin,waxaana ka mid ah hadaad weyso saacado badan sabab la,aan oo ay talefanka kaa qabaneynin ama damiso,haddii ay soo noq noqdaan dhaqanada noocaan oo kale ah waxaa suurto gal ah in ay ku maqantahay nin kale oo ay ku khiyaaneyso.

2- baahida kulanka sariirta oo yaraata.

Mar kasta oo aad xaaskaada ka dalabto kulnka sariirta waa ay ka cudur daarataa iyada oo aysan jirin sabab kuu muuqaneysa ood fahmi karto,xitaa hadaad u soo dhawaato waa ay kaa fogaaneysaa,ma ahan mar walba qof diyaar u ah in aad kulan sariir sameysaan,haddii ay dhacdana iyada oo ku dhibsaneysa ayaad sameyneysaan ,waxaadna ku sameyneysaan jawi aan arimahaas loo diyaarinin adiga oo qasbanaaya,arinkaas ha fududeysanin baar sababta maxaa yeelay naaguhu qof aysan jecleyn uma ogola in ay kulan sariir ah la sameeyaan.

3- waqtiyo dheeraad ah ayey u baahataa mar walba oo ay banaanka u baxdo

Haddii ay shaqeyneyso ama meel ay aado ood ku balantaan in ay ka soo laabato waqti aad isku ogtihiin ,gadaal ayey kaa soo waceysaa waxayna kuu sheegeysaa in ay u baahantahay saacado dheeraad ah in ay soo dib dhacayso,arinkaas haddii uu soo noq noqdo waxaa suurto gal ah saacadaah dheeraadka ah in ay aadeyso ninka kale.

4- way daalantahay mar walba

Daal siyaado ah oodan ugu baranin ayey dareemeysaa xilli walba gaar ahaan haddii ay habeenkii soo daahdo oo kale iyada oo shaqada ka imaatay ama meeshii ay aaday ,haddii aysan rabin in ay wax hawl ah guriga ka qabato,rabin in ay kula sheekeysato,rabtana in ay horey ka seexato ogow waxaa suurto gal ah awoodeeda waxaa ay ku sok bixisay meel kale,saas ayeyna u daalantahay.

5- ereyada oo is badala.

Waxaad dareemeysaa in ay ku dhihi karin ereyadii aad horey ugu baratay sida(waa ku jeclahay),waxay ku dhaheysaa waxaas waa ka weynaanay ilmo ayaa noo jooga,ogow naagtu ma joogi karto haddii ay wax jeceshahay iyada oon ereydaas isticmaalin,haddii ay kuu quuri weyso waxaa suurto gal ah in qof kale ay u quurto oo ay ku dhado, ka digtoonow arinkaas.

6- Taleefanka oo ay heegan ugu jirto

Waxaa u soo dhacaya nombaro qarsoon,qoraalo meel ay ka yimaadeen la fahmeynin,si joogta ahna loo tir tiro,pasword ka oo la bad badalo,sidoo kale waxaa la mid ah aaladaha internetka loo isticmaalo oo dhan arimahaan sida dhaqsaha ah ku dhacaayo oo is badalaya waxaa suurto gal ah in qof kale oo sedexaad oon la rabin in uu ninku igaado in uu meesha soo galay.

7-ma daneyso heybadaada iyo quruxdaada

 Xaaskaadu haddii marki hore ay ka fikiri jirtay labiskaada ,dharka kuu dhaqi jirtay,ku dhihi jirtay labiskaan waad ku qurux badantahay marka aad labisato,ood ka weyso arimahan la xiriira heybadaada iyo quruxdaada sabab la,aan waxaa suurto gal ah in nin kale uu qalbigeeda galay oo quruxdiisa iyo labiskiisa ay ka fikireyso,baaritaan dheeraad ah sameey.

8- is qurxin deg deg ah oo aadan ugu baranin

Waxaad arkeysaa xaaskaada oo iyada oon kula tashanin marsaneysaa kalaro tinteeda iyo dhar cusub oo ay soo gadaneyso ,mar walba oo ay baxeysana ku labisata labisyadaas ay soo gadatay iyada oon kula tashanin,teeda kalena adigana marka ay kula joogto aan kuu labisaneynin iskuna kaa qurxineynin ogow qof kale oo la isku qurxinaayo ayaa jira,naagaha sharaf ayey u arkaan in ay isku qurxiyaan qofka ay jecelyihiin.

9- ma jeclo in la isku kiin arko

Hadaad aragto xaaskaada oo marka aad isla baxeysaan oo meel la idinka waco dhibsaneysa ,aktaada aan fariisaneynin,ama aan ahmiyad siineynin talooyinkaada,dhibsaneysa in la isku kiin arko waxaa ay ka baqeysa qofkii ay kugu khiyaaneysay in uu arko iyada oo kula socota.

10- dookheeda oo is badala.

Guriga xaaladiisa waa ok,wax waliba sidii loogu tala galay ayey ku socdaan,hadana xaaskaadu mar waa faraxsantahay,mar waa murugeysantahay,marna waa xanaaqsantahay,waa kugu qeylineysaa sabab la,aan ,waa is bad badleysaa saacad saacad , sabab la,aan ,ogow adiga ayey ku dhibsaneysaa wajigaada iyo aragtidaada,iyo la joogitaankaada, sababtoo ah waji kale oo ay jeceshahay ayaa jira,haweenku waxa ay jecelyihiin in ay helaan ayey ku farxaan.

11- kuma soo fiirin kato

Hadii marki hore ay xaaskaadu indhaheeda ku raaxeysan jireen aragtidaada,dhoola cadeyn jirtay marka aad indhaha isku dhufataan hadda hadaad indhaha isku dhufataan wajiga ayey kaduudeysaa adiga oo fahmaaya,ma rabto in aad fiiriso adigane ku fiiriso.

12- fara ka ciyaarka oo ay dhibsato

Xaaskaada haddii aysan igoleyn dhammaan fara ka ciyaarka in aad jirkeeda u soo dhawaato ood taabato,ogow naagaha taa taabashada waxaa ay u ogolyihiin ninka ay jecelyihiin.


Ugu danbeyntii aqriste ku dadaal in aad si dhaw ugu war qabto xaalad kasta oo ay xaaskaada ku sugantahay ,weydii waxyaabaha la soo sheegay hadaad ku aragto ,haddii aysan jirin sabab sida jirro oo kale ayna waqti badan socdaan waxa ku qasbaaya ,baaritaan iyo daba gal ku sameey sababtoo ah ragga ilaah ayaa mas,uul ugu dhigay haweenka, waxa ay tababeyso isku day in aad u xaliso,waani oo diinta bar uguna sheekeey diinta islaamka mar walba ,haddii kale adiga ayaa qaba hadane waa qaraabaneysaa ayaa dhaceysa ,hadaad mas,uuliyadda ilaahey kaa saaray xaaskaada sida ay tahay u gudan weyso ilaah waa kugula xisaabtamayaa.

W/Q:Maxamed Abuukar Sh/Xassan(M.deeq)
Kala xiriir email:deeq1982@hotmail.com