1- waxay dadka kale la raadiyaan sedey ku heli lahaayeen nolol farxad leh.
2- waxay ka sheekeeyaan fikradaha cusub oo ay nolosha ku soo kordhin lahaayeen.
3- maalin walba wax bey aqriyaan sida:(book,joornaal,kitaab)wax joogta ah kama baaqato wax aqrinta.waqtigoodana waa ka fii,ideystaan.
4- waxay la rabaan dadka kale in ay noqdaan sidooda oo kale oo ay nolosha horumar ka gaaraan.
5- mar kasta wax bey bixiyaan,dhaqaalo,cilmi , waxa alla iyo wixii ay awoodaan in ay dadka kale siiyaan,waxba kama bakhiilaan naftooda iyo nafaf kale.
6- waxay sameystaan qorshayaal iyo goolal u gaar ah oo ay nolosha ka tiigsadaan,kaas ayeyna daba raacaan,kuma mashquulaan nolosha dadka kale.
7- mar walba wax bey bartaan kama caajisaan, kamana mashquulaan da, walba oo ay jiraan,iyo xaalad kasta oo ay ku suganyihiin.
8-dadka kale waxa ay ugu sheekeeyaan khibradahooda faa,idada leh ee wanaagsan oo ay nolosha ka soo mareen si looga faa,ideysto.
9- haddii uu gaf ka dhaco waa ay ogolaadaan khaladaadkooda,naftooda iyo tan dad ka kalena waa ay u qiraan,ma inkiraan khaladkooda.
10- mar kasta wey iska cafiyaan dad kale, xittaa haddii lagu qaldamo.
11- waxay ku farxaan oo ay amaanaan mar walba horumarada dad kale ay gaaraan,kama naxaan.
12-haddii noloshooda ay wax is badal ah ku dhacaan sida,faqri,xanuun,hanti helid,iyo wixii la mid ah iyaga oo ku faraxsan ayey soo dhaweeyaan.nolosha is badaladeeda kama cawdaan.
Ugu danbeyntii aqriste waxaan filayaa in aad fahantay dadka nolosha ku hormaray waxa ay sameeyaan,hadaba ku dayo oo sameey dhaqanadaan si aad adigane ugu mid noqoto dadka nolosha ku hormaray.
W/Q:Maxamed Abuukar Sh/Xassan(M.Deeq)
Facebook.com/1982
No comments:
Post a Comment