Sunday, 4 August 2013

CAAFIMAAD:Iska Jir 6 Caado oo Ramadaanka ay Dadku ay Sameeyaan




Bisha barakeysan ee Ramadaanka waa Bil Wadata Faa,idooyin Badan oo iskugu jira Kuwa Aduun iyo kuwo Aakhiraba,Faa,idooyinka Aduunka laga Helo ayaa waxaa ka mid ah in Bishani ay Tahay Jaanis uu Ka Faa,ideysan karaan Dadka raba in ay is Caateeyaan iyo kuwa qaba Cudurada Wadna Xanuunka,kuwa aadka u Cayilan,Dadka uu Cholesterol ku uu ku badanyahay,Kuwa qaba Cudurada Dhiig Karka ,Balse Faa,idada waxaa uu qofkan helayaa Marka uu iska ilaaliyo 6 Dhaqan oo Dadka Sooman ay Caado ka dhigteen inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.Hadaba Waxaan Halkaan idinkugu Soo Gudbianyaa 6 daan Dhaqan si ay Dadka iskaga ilaaliyaan.

1- in Biyo Fara badan la Cabo Xilliga Saxuurta Taas oo Dad Badan ay aaminsaniyiin,in ay jirka ku sii jireyso si ay uga   ilaaliso oonka Maalinta Ramadaanka,Laakiin Biyaha badan ee la cabo xiliga Saxuurta ayaa Sababaya in Kilyaha ay si aad ah u shaqeynayaan,haddii kelyaha ay si aad ah u shaqeeyaana waxaa dhacda in biyahii badnaa ee aad cabtay ay dhamaadaan taas oo sababaysa in oon saa,id ah aad dreento xiligii maalinka.hadaba waxaa lagu waaninayaa Dadka in ay cunaan saxuurta Fruits ka biyaha leh,sida Qaraha,Tufaaxa kuwaas oo si tar tartiib ah Jirka Biya u siinaya.

2- in Biyo aad u qabow ama Baraf leh la Cabo Xilliga Afurka oo lagu Bilaabo,taas oo sababeysa in dhaq dhaqaaqa Dhiiga uu ka yaraado Mindhicirada iyo Caloosha,waxayna  kuu sababi karta in dhibaato jirkaadu kaga timaado habka dheef shiidka,haddii dheef shiidka dhibaato ku timaadana waxaa qofka ku dhaca Qaras,Calool Xanuun,iyo Caloosha oo qofka Fariisata,hadaba waxaa haboon in aanan Biyaha Barafka leh lagu bilaabin Afurka,taas badalkeedana Afurka lagu bilaabo Timirta iyo koob Caano ah,Biyaha qabowga ee Barafka leh ayaa waxaa haboon in la cabo marka aad afurtid ka dib.

3- in lagu afuro waxyaabaha Saliida lagu shiilay noocii ay doonto ha noqoto,waxaa ay sababi kartaa in Calooshu ay sidii laga rabay ay wax u shiidi weyso taas oo badanaa dadka u sababi karta in uu Cayilo ama uu  ku dhaco  laab jeexa,hadaba wxaa haboon in gabi ahaanba la iska ilaaliyo waxyaabaha Saliida lagu shiilo xilliga Afurka.

4- in waxyaabaha  Mac-macaanka leh lagu afuro,waxaa ay u sababi kartaa Qofka in Xeerta ay Jirkiisa ku sii badato,iyo uu Qofku uu Cayilo,Cholestero kana  uu Jirkiisa ku bato,Saas daraadeed waxaa haboon in Waxyaabaha Mac-macaanka la Cuno Xilliga Salaada Taraawiixda ka dib,Asbuuciina hal ilaa laba jeer la cuno oo aanan Maalin kasta la cunin.

5- in uu Qofku aanan cunin Fruitska ,waxaa jira Dad badan oo aanan cunin Fruitska  xilliga Ramadaanka,hadaba Fruitska ayaa ah Halka laga helo Vitamins ka ,iyo Cusbada uu jirka Bani,aadamka u baahanyahay xilliga lagu jiro Bisha Ramadaan,waxaana haboon in aad loo badsado isticmaalka Fruitskaka  xilliga lagu guda jiro Ramadanka.

6- isticmaalka Cusbada  iyo waxyaabaha raashinka lagu carfiyo ee buhaaraatka iyo Bus baaska xilliga afurka iyo Saxuurta,Haddii uu Qofku isticmaalo waxaa ay u sababeysaa in uu dareemo oon Xilliga Maalinkii,iyo in uu Qofku Wadnaha si saa,id ah u garaacmo,hadaba waxaa lagu waaninayaa Dadka in ay isticmaalaan Liin dhanaanka caadiga ah oo ay Cusbada iska ilaaliyaan.

Lixdan Dhaqan oo ay Dadka Soomani ay Badanaa sameeyaan  ayaa Haddii ay iska Dhaafaan waxaa dhici karta in ay Soonka ka faa,idaan oo Caafimaad qab saa,id ah ka qaadaan , balse haddii la sameeyana dhibaatooyinka aan kor ku soo sheegnaya ayaa qabsan kara qofka sooman.



W.D:Maxamed Abuukar Sh.Xassan(M.Deeq)
E-mail:deeq1982@hotmail.com
Facebook:https://www.facebook.com/deeqyare1982

No comments:

Post a Comment