Sunday, 4 August 2013

QOYSKA:SIRCULUS !! 8 Nooc oo Haweenka ka mid ah uma haboona Guur(Warbixin Ragga u gaar ah)





Si Raggu ay u helaan Qaybtooda kale ee ka maqan oo loola jeedo in ay guursadaan,ma ahan arin sahlan waxaana ay u baahantahay in raggu ay aad iskaga fiirsadaan inta aysan guursanin haweenka Tilmaamahan leh oo laga yaabo haddii ay guursadaan iyaga oo aanan iska fiirin in dabin ay ku dhacaan.sidoo kale waxaa jira rag fara badan oo iyagu haweenka u raadiya dooqooda iyaga u gaarka ah iyaga oo aanan talooyin badan uruurin,

raguna fikradaha iyo talooyinka ay haweenka ka qabaan waa ay kala gadisanyihiin,waxaana laga yaabaa in aad la kulanto dhowr nooc oo haweenka ka mid ah balse maqaalkan ayaan waxaan idinkugu soo gudbinaya 8 nooc oo haweenka ka mid ah oo aanan habooneynin in nolol lala wadaago hadii aysan dhaqankan iska badalayeynin waana kuwan:

1- Haweenka guurka ku waalan:

Haweenka dhaqankan leh waxaad ku fahmi kartaa inta aadan is guursanin waxaa ay qorsheyneysaa nolosheeda mustaqbalka tusaale ahaan guriga ay dagi doonto nooca uu yahay,alaabta ay dhigan doonto,taashka ay xeran doonto aqalkeeda ,caruurta ay dhali doonto magacyadooda,haddii ay haweentu ay rabto guur dhab ah waxaa ay kaala hadashaa sidii aad u sameyn lahaydeen qoys waligiis jiri doona iyo waxa udub dhexaadka u noqonaya qoyskiisan,balse haddii ay kaala hadasho marka horeba arimahan aan soo sheegnay haweentaasi adiga kuma rabto ee waxaa ay dooneysaa waa uun in la yiraahdo heblaayo waa ay guursata iyo in laga sheeg sheego,hadaba ragga doonaya in ay doortaan haweenka ay guursan lahaayeen haddii ay gabadhu arimahaan kugu bilowdo is dhaaf guur iyo mustqabal kaama dooneyso, badina guurka gabdhaha noocaan oo kale ah si dhaqso ah ayuu u fashilmaa.

2- haweenka Quruxda badan ee aanan Caqliga qabin:

inta badan raggu waxaa ay raadiyaan Haween qurux badan,laakiin raggu marka ay helaan haweeney qurux badan oo aanan awood u lahayn in ay la sheekeesato ama ay fahanto hadaladiisa waxaa dhacda in si tar tartiib ah uu u naco isaga oo ugu danbeyntii gabi ahaanba ka wada taga, sababtoo ah haweenka aan caqliga lahayn hadalada sida ay rabaan ayey u fasirtaan marka ma haboona in qof aanan hadalkaada fahmeynin aad la noolaato oo caqliga gaaban,sababtoo eh hadaad doorato qof aananba hadalka kula fahmeynin waxaad u diyaar garowdaa nolol aad u adag oo laga yaabo in facaada ay kaa reebto.marka waxaa haboon in la raadiyo qof ugu yaraan hadaladaada kula fahmaya quruxda wax micno ah ma sameyneyso haddii uusan is faham meesha jirin.

3- Haweenka Noloshooda ku saleeya sheekooyinka Filimada ay daawaadaan:

 Guri kasta waa uu ka dhacaa khilaaf u dhaxeeya ninka iyo naagta is qaba balse ma ahan khilaafku in uu sababo waxyaabo kale,haweeneyda haddii ay ku daneyneyso waxba kama soo qaadeyso khilaafka idin dhex mara oo danteeda ayey ka wadaneysaa,maadaama laga hishiiyay,waxaadna ku ogaan kartaa haweenka dhaqankan leh doodooda waxaa ay bilaabataa xilliga ugu horeeya ee is barashadiina,xaqiiqadana waxaa ay tahay haweenka noocaan ah mar walba oo filin ama musal sal ay soo daawadaan oo qiso arintiina la xiriirta ay ku dhex jirto waxaa ay bilwdaa dooda taas oo xilli walba soconeysa,hadaba ragga haweenka dhaqankan oo kale leh haddii aysan ka leexanin waxaa u danbeyn doona in ay nolosha ka quustaan oo ay ku daalaan nolosha.

4-Haweenka ku xeran dadka kale:

Nin kasta waxa uu u baahanyahay in uu helo waqti uu gurigiisa firaaqo ugu helo si uu ugu nasto daalka iyo shaqada banaanka,ujeedooyinka ugu waa weyn ee guurkana waa qayb ka mid ah,balse dhibaatadu waxaa ay kugu dhaceysaa marka aad nolol la wadaagto haweeney aanan ka heleynin intaas,oo badanaa haweenka noocaan ah guryahooda ragu kuma nastaan ma yaqaanaan caruurta sida loo xanaaneeyo loona tarbiyeeyo oo waa ay kala daadsanyihiin gurigoodana jadwal ma lahan albaabkoodana waa iska furanyahay oo xilli walba dad uunbaa galaya oo dariska ama macrifadeeda ah ama ehelkeeda iyaga oo talo iyo hadal u wada xitaa raashinka  ay gurigeeda ka karineyso talo ayey u raadsaneysaa waana la la sameeyaa hawlaha dhan iskuma kalsoona kaligeed dhan walba, ama talefan ayey dhagta ku haysaa iyada oo xiriiradeeda ay aad u badanyihiin illen waa qof dad kale ka shidaal qaadatee,haweenka noocaan oo kale ah qofkii guursada waxaa laga yaabaa in uu noloshiisa ay mustaqbalka cuduro ku dhacaan oo naftiisa halis galin kara saas daraadeed waxaa haboon in marka horeba uu ka leexdo.

5-Haweenka oohinta iyo calaacalka badan:

iska ilaali haweenka mar walba ooya oo noloshooda dhan saldhig uga dhiga beer jileecsiga sababtoo ah ahweynaadaas waxaa ay ku cayaareysaa dareemahaaga oohinta ay ooneyso wax bey ku rabtaa ee dhab kama ahan,haddii aad xiriir la yeelato ama aad guursato naag mar waliba ooysa waxaa ay dhibaato ku keeneysaa mustaqbalkaada sababtoo ah ma kala garan kartid run iyo been xitaa mararka ay xanuunsantahay waxaana ay ku galineysaa nolol murogo ah oo mar waliba waxaad ku dhex jirtaa oohin iyo murugo caruur haddii ay kuu dhashana waxaa laga yaabaa in ay noqdaan caruur doqomiin ah oo aan waxba awoodin sababtoo ah waxa ay maalin walba ay arkaan oohin iyo cabaad,adigana waxba kama qabsan kartid oo wel wel ayaa kugu beeran mar waliba talaabna ma qaadi  kartid saas daraadeed waxaa haboon in aad ka leexato haweenka dhaqan leh.

6- haweenka khiyaanada badan:

haweenka oo dhan ma ahan khiyaanoolayaal balse waxaa jira kuwo dhaqan ka dhigta mar waliba in ay ragga ay xiriirka la leeyhiin ama qaba khiyaano si ay danahooda gaarka u gaaraan,khiyaanada ay sameeyaan ayaa u badan midda hadalka oo badanaa been ayey u sheegaan ragga ama wax bey ka qariyaan,iyaga oo ujeedka ugu weyn ay tahay in ay dhaqaalo ka helaan ama dano gaar ah oo ay leeyihiin ay ka oofsadaan,waxaa laga yaabaa in nimanka aysan si dhaqso ah u fahmin oo ay u seeta dheerayaan laakiin xiliga ay ku ogaadaan khiyaanada noocey doonta ha ahaatee xiligaas ayey ka dhaqaaqaan,hadaba waxaa la gudboon ragga in ay gabi ahaanba ka leexdaan haween ay ku maqleen ama ay ku arkeen khiyaano,sababtoo ah xilli aanan habooneyn ayaa laga yaabaa in aad ku soo baraarugtid.

7-Haweenka qarash isticmaalka badan:

badanaa Haweenka Noocaan ah waxaad ku daawataan aflaamta,gabar yar oo guursaneysa ama loo guurinayo nin ka weyn iyada oo ujeedada tahay in dhaqaalo ay ka hesho ninka,sidoo kale waxaa jira haween badan oo marka la guursado ka dib ku dadaala in ay dhaqaalaha ka dhameeyaan ninka iyaga oo qarash fara badan ka qaada iyaga oo ku mar marsiyoona in guriga u baahanyahay ama caruurta balse ujeedka ugu weyn ay tahay in ninkan aanan wax dhaqaalo ah u soo harin iyaga oo aaminsan in haddii ninka dhaqaalo haysto uu naag kale ka aadayo,balse taas waa caqli gaabnimo ay haweenka dhaqan leh ay aaminsanyihiin,hadaba isku soo duub  marba haddii aysan haweenta dhaqaalo kaydinta iyo isticmaalka ku fiicnayn uma haboona in la guursado ee iska ilaaliya haweenka noocan oo kale ah,haddii kale ceel aanan la gaareynin ayaa inta noloshaada ka dhiman qodi doontaa.

8-Haweenka hadalka iyo qaylada badan:

raga badankood ma jecla hadalka badan iyo qaylada badan,waxaana ay ku hamiyaan in ay nolol la wadaagaan haween socila ah oo nolosha dhan walba fikrad ka haysta oo haddii sheeko loo bilaaba awood leh in ay kula qaadaan mawduuca aad ka hadleyso,balse raggu ma jecla haweenka mawduuc aad kala hadleyso iyadana kaala hadleyso mawduuc kale oo ka gadisan waxa aad ka hadleyso sida quraacdi saakay la cunay iyo waxyaabo aanan mawduuca xiriir lala lahayn,sidoo kale gabi ahaanba ma haboona haweenka codka dheer in la la noolaado waxaa laga yaabaa in ay ar gagax ku ridaan caruurtaada iyo in ay fitno abuuraan,waxaa kale oo iyagana jira haween hadalkooda iyo sheekadooda ay tahay sidaas ayaa la yiri iyo wax ay soo maqashay in ay kuu soo wariso,isku soo duubow haweenka hadalka badan ayaana ku habooneynin in nolol la la wadaago sababtoo ah haweenka wanaagsna maa ahan mid hadal badan ee mid hawl badan oo anan waxa dani ugu jirin ku mashquusha.

ugu danbeyntii sideedaan nooc oo haweenka ka mid ah ayaa baaritaano badan oo la sameeyay waxaa lagu ogaaday in aysan guri dhaqin oo haddii ay guri yeeshaana uu noqonayo guri uun iska jira oo aanan lahayn wax macno,waxaana la gudboon ragga in ay aad iskaga fiiriyaan inta aysan guurasanin haweenka dabeecadahan oo kale leh ay ka feejignaadaan oo aysan nolol iyo guur la wadaagin.

NB: Ragga u baahan in talo laga siiya  arimaha Qoyska Caafimaadka qoyska fadlan la soo xiriira Maxamed Deeq E-milka Hoos ku qoran.



W.Q:Maxamed Abuukar Sh.Xassan(M.Deeq)
E-mail:deeq1982@hotmail.com
Facebook: https://www.facebook.com/deeqyare1982






No comments:

Post a Comment