Sunday, 13 October 2013

Wax ka baro AQOONTA LAGA AAMUSY!!


Dunidan aan ku noolnahay inta ay jirtay aadanahu waxa uu ku talaabsaday horumar badan oo dhanka aqoonta iyo cilmiga ku saabsan,taas oo iskugu jirta wax la qoray oo cilmi ahaan loo barto iyo wax baraktik ahaan loo barto.

cilmiga ayaa waxa uu gaarsiiyay aadanaha in uu qorto oo uu kaydiyo cilmiga kaas oo jiil ka jiil la is dhaxlo oo noqda wax  waara oo quruun ka quruun socda oo taariikhda gala.

hadaba waxaa jirta aqoon fara badan oo aadanuhu barto,balse anaga soomaali ahaan waxaa jira aqoon ay dadyowga kale ee aduunka nagula nool ay cilmi ahaan u bartaan,ama bulsho ahaan u yaqaanaan,balse soomaalida ay baranin kana hadlin taas oo aan ugu magac daray(AQOONTA LAGA AAMUSAY!!) taas oo taabata dhinacyo badan oo nolosha bani,aadamka muhiim u ah oo haddii ay dadka soomaalida baran lahaayeen ka hor is taagi lahayd dhaqano fara badan oo maanta bulshadeena dhibaato weyn ku haaya.

hadaba maqaalkan aan ugu magac daray (aqoonta laga aamusay!) ayaan ku soo qaadan doonaa mawduucyo fara badan oo taaban doona nolosha qoyska iyo arimaha bushada iyada oo aan ku soo qaadan doono mawduucyo aad muhiim u ah qoyska sida aabaha iyo hooyada iyo waliba caruurta kuwaas oo aanan wali soomaalida aysan cilmi ahaan iyo bulsho ahaanba u baranin,horeyna aysan u maqlin aniga oo rajeynaya in shacabka soomaaliyeed ay ka faa,ideysan doonaan ayna wixii talo iyo tusaalo ahna ay isla wadaagi doonaan taas oo aanan qayb ka mid ah bulshada wax loogu dhimeynin.

waxaa xusid mudan in cilmiga in la barto oo la baaro aysan ahayn wax cayb ah diini ahaan iyo ilbaxnimo ahaanba ay tahay in qof waliba oo dunida ku nool uu noqdo qof wax barta ama wax bara ma jiro qof kale oo sedexaad sidaas ayey muhiim u tahay in wax waliba wax laga ogaado,marka waa in aan la jaan qaadnaa oo waxyaabo fara badan oo soomaalida ka dhaa dhacsan in ay dhaqan ahaan ay cayb yihiin aan soo bandhigno iyada oo cilmiyeysan si bulshada ay u barato isla markaana ay wax badan ugu ogaato maadaam aan u arkay in bushada ay aad ugu baahantahay in mawduucyadan oo aan wali laga hadlin la soo bandhigo.

waxa aad iga filataan goor dhaw waa maqaalkii(AQOONTII LAGA AAMUSAY!!) kaas oo ka koobnaan doono mawduucyo fara badan oo xiiso gaar ah u leh qoyska,gaar ahaan waalidiinta,mucaashaqiinta,iyo waliba tarbiyeynta caruurta,waa inoo mar kale iyo maqaalkii(Aqoonta laga aamusay!!).

NB: wixii talo iyo tusaalo ah ku soo hagaajiya e-mailka









W/Q:Maxamed Abuukar Sheekh Xassan(M.Deeq)
E-Mail:deeq1982@hotmail.com

Wednesday, 9 October 2013

Haweenka Fircooniga u gudan oo Kintirka dib loogu soo Celin karo !! (Warbixin Haweenka u gaar ah)

gudniinka fricooniga ayaa waxa uu sababaa in la gooyo gabi ahaanba xubinta loo yaqaano kintirka oo ah halka ay haweeneydo ka dareento raaxada xiliga galmada lagu guda jiro,taas oo haween fara badan dhibaato ku haayo oo aanan u raaxeysan karin sida haweenka kale ee aanan la gudin ee xubinta kintirka uu walli sidiisii ugu yaalo.

hadaba dhaqtar u dhashay wadanka burkino faso ayaa waxaa uu soo ogaaday in xubinta kintirka uu dhirirkiisu  la eg yahay 10 sentimitir ,oo ay banaanka u soo baxsantahay 2-3 sentimitir  waxa ay dadka jaraana ay tahay kaliya inta banaanka u soo baxsan ,iyada oo inta badan xubinta kintirka ay gudaha ku jirto,isaga oo sheegay soo saaristiisana in ay aad  u sahlantahay waxaana celinaya kaliya maqaarka banaanka ah,haddii la dilaaciyana la soo saari karo inta kale ee gudaha ku jirta hadba inta la doono.

dahqtarkan ayaa waxa uu xaruuntiisa ku sameeyaa qaliin dib loogu soo saarayo inta ka dhiman xubinta kintirka ee gudaha ku jirta,iyada oo lagu ogaaday baaritaan in haweenkii dib loogu soo saaray xubinta kintirkooda ee gudaha ugu jirtay ay ka raaxo badnaayeen markii hore oo aysan kintirka qabin.maadaama uu xubinta kintirka yahay halka haweenka gaarsiiya kacsiga ilaa gariirka oo haweenku ay si aad ah ugu raaxeestaan xilliga lagu guda jiro galmada.

arintan ayaa waxaa soo dhaweeyay haween fara badan oo afrika ku nool oo ay ka mid yihiin haweenka soomaalida,waxaana dhaqtarka hada xaruuntiisa ay noqotay mid ciriiri ah isaga oo maalin walba ku sameeya qaliin 7 ilaa 10 haween,waxaa xusid mudan in qaliinka kintirka dibada loogu soo saarayo uu qaato ugu badnaan 30 daqiiqo qarashakna uu yahay mid aad u yar.haweenkuna ay kala dooran karaan hadba inta C.M ay dooneyso.

dhaqtarkan ayaa xiriiro fara badan oo xaruumo caafimaad oo afrika ku yaalo ay la soo sameeyeen ka dib waxa uu go,aansaday in uu tago wadamada laga soo codsaday oo haween fara badan oo raba in qaliinka dib xubinta kintirka loogu soo saaraya lagu sameeyo,waxaana wadamada uu tagi doono ka mid ah wadanka soomaaliya oo haweenka soomaalida 10 kii haweenba ay 9 ka mid ah ay u gudanyihiin gudniinka fircooniga loo yaqaano kaas oo gabi ahaanba xubinta kintirka laga jaro gabdhaha soomaalida marka ay yaryihiin inta aysan qaan gaarin,waxaana la rajeynayaa in haween fara badan oo soomaali ah oo dhib ku qaba ka maqnaanshaha xubinta kintirka marka ay galmada sameeynayaan ay ka faa,ideysan doonaan.maadaama aysan hadda sidii loogu rabay aysan u dareemeynin raaxadda marka ay galamada ku guda jiraan.


   




W/Q:Maxamed Abuukar Sh/Xassan(M.Deeq)
E.mail:deeq1982@hotmail.com

Sunday, 6 October 2013

Caadada Ragga ma ku dhacdaa sida haweenka oo kale ???





Baaritaan ay sameeyeen dhawaan khubaro u dhashay dalka jamrmalka ayaa waxaa lagu ogaaday in ragga ay ku dhacdo caadada oo bishii hal jeer ay u timaado,waxaana baaritaankan oo lagu sameeyay in ka badan 600 kun oo rag ah oo dunida daafaheeda kala gadisan jooga lagu soo ogaaday in raggu marka ugu horeysa ay ku dhacdo caadad xilliga ay gaaraan da,da 15 sano ayna ka go,do ilaa ay ka gaaraan da,da 70 jirka ah halka ay haweenku ka go,do caadad da,da u dhaxeysa 45-50 jirka.

waxaa laga yaabaa in badan oo aqristayaasha ka mid ah in ay is weydiiyaan sidee ay ugu dhacdaa ragga caadada ma ka gadisan tahay tan haweenka? jawaabtu waxay noqoneysaa  ragga caadada waa ay ku dhacdaa oo is badalada xagga hormonska ee ku dhaca jirka haweenka oo kale ayaa bishii muddo lagu qiyaasay ilaa sedex maalin oo xiriir ah ku dhaca jirka ragga,marka laga reebo dhiiga ka yimaada haweenka inta kale oo is badalo ah waa ay ku dhacaan ragga.

hadaba is badaladan ayaa waxaa lagu garan karaa marka ay ragga ku dhacayaan sabab la,aan ayuu arkayaa in uu badalanyahay oo xanaaqiisa ayaa aad u kacaya wax walibana waa ay dhibayaan oo uma dul qaadan karo hadalada dadka guriga kula nool sida xaaskiisa iyo caruurtiisa iyo bulshada kale intaba.waxa uu noqonayaa qof kala daadsan oo aanan wax u roon iyo wax kale kala garanaynin,iyo is bad badal badan ,waxaa ragga qaar ay isku arkaan in xitaa raashinka qaar ay si caadi ah u cunin iyaga oo aanan lahayn  abateed ama waqtiyada ay cuni jireen ay cuni karin,daal xagga jirka ah,murqaha iyo lafaha oo xanuuna,huradada oo ka wareerta iyo waxyaalo kale .

caadada ku dhacda ragga ayaa loo tirinin sida tan haweenka oo kale oo badanaa boqolkiiba 90 waxaa lagu xisaabiyaa waqtiga bisha waxaana badi ay ragga caadada ku dhacdaa 13.14.15,bil walba,xiligaas oo ah waqtiga uu dayaxu is buuxinayo.halka caadada haweenka qaab kale loo tiriyo oo dayaxa kaliya laguma xisaabiyo.

arintan ayaa waxaa soo dhaweeyay haween badan oo markii hore aad ugu wareersanaay qaabka ay ula dhaqmi lahaayeen ragooda oo fahmi weysanaa sababta ku qasbeysa xanaaqa sabab la,aanta ah,iyo is badalada uu sameeynayo ninka,waxaana ay sheegeen in sida iyagaba ay ragga ugu dul qaataan xilliga ay caadada ku dhacdo in ay u dul qaadan doonaan ragooda marka ay caadada ku dhacdo,waxaana ay haweenkii tijaabada ku sameeyay xiliyada ay caadada ragooda ku dhacdo u dul qaatay ay arkeen in ay sax tahay oo marka ay waqtiga caadada ka soo baxeen ragooda,si dabiici ah ayey ku soo noqdeen wax walibana caadi ayey noqdeen.

ugu danbeyntii ayaa ragga soomaaliyeed waxaa laga  codsanayaa in haweenkooda ay u sheegaan xilliga ay caadada ku dhacdo si haweenkoodu ay u fahmaan qaabkii ay kula dhaqmi lahaayeen,haweenkana soomaalidana waxaa la farayaa in sidiina oo kale ay raggu is badalayaan xilliga caadada ay ula dhaqmaan qaabka ay ugu baahanyihiin in loo dul qaato marka ay haweenku caadada qabaan,arinta muhiimka ah ayaa waxaa ay tahay in raggu aysan ka qubeysanaynin caadada sida haweenka oo kale oo waqti kaliya ayey ku xisaabtamayaan.







W:Q: Maxamed Abuukar Sh/Xassan(M.Deeq)
E-mail:deeq1982@hotmail.com
facebook: https://www.facebook.com/deeqyare1982