Dunidan aan ku noolnahay inta ay jirtay aadanahu waxa uu ku talaabsaday horumar badan oo dhanka aqoonta iyo cilmiga ku saabsan,taas oo iskugu jirta wax la qoray oo cilmi ahaan loo barto iyo wax baraktik ahaan loo barto.
cilmiga ayaa waxa uu gaarsiiyay aadanaha in uu qorto oo uu kaydiyo cilmiga kaas oo jiil ka jiil la is dhaxlo oo noqda wax waara oo quruun ka quruun socda oo taariikhda gala.
hadaba waxaa jirta aqoon fara badan oo aadanuhu barto,balse anaga soomaali ahaan waxaa jira aqoon ay dadyowga kale ee aduunka nagula nool ay cilmi ahaan u bartaan,ama bulsho ahaan u yaqaanaan,balse soomaalida ay baranin kana hadlin taas oo aan ugu magac daray(AQOONTA LAGA AAMUSAY!!) taas oo taabata dhinacyo badan oo nolosha bani,aadamka muhiim u ah oo haddii ay dadka soomaalida baran lahaayeen ka hor is taagi lahayd dhaqano fara badan oo maanta bulshadeena dhibaato weyn ku haaya.
hadaba maqaalkan aan ugu magac daray (aqoonta laga aamusay!) ayaan ku soo qaadan doonaa mawduucyo fara badan oo taaban doona nolosha qoyska iyo arimaha bushada iyada oo aan ku soo qaadan doono mawduucyo aad muhiim u ah qoyska sida aabaha iyo hooyada iyo waliba caruurta kuwaas oo aanan wali soomaalida aysan cilmi ahaan iyo bulsho ahaanba u baranin,horeyna aysan u maqlin aniga oo rajeynaya in shacabka soomaaliyeed ay ka faa,ideysan doonaan ayna wixii talo iyo tusaalo ahna ay isla wadaagi doonaan taas oo aanan qayb ka mid ah bulshada wax loogu dhimeynin.
waxaa xusid mudan in cilmiga in la barto oo la baaro aysan ahayn wax cayb ah diini ahaan iyo ilbaxnimo ahaanba ay tahay in qof waliba oo dunida ku nool uu noqdo qof wax barta ama wax bara ma jiro qof kale oo sedexaad sidaas ayey muhiim u tahay in wax waliba wax laga ogaado,marka waa in aan la jaan qaadnaa oo waxyaabo fara badan oo soomaalida ka dhaa dhacsan in ay dhaqan ahaan ay cayb yihiin aan soo bandhigno iyada oo cilmiyeysan si bulshada ay u barato isla markaana ay wax badan ugu ogaato maadaam aan u arkay in bushada ay aad ugu baahantahay in mawduucyadan oo aan wali laga hadlin la soo bandhigo.
waxa aad iga filataan goor dhaw waa maqaalkii(AQOONTII LAGA AAMUSAY!!) kaas oo ka koobnaan doono mawduucyo fara badan oo xiiso gaar ah u leh qoyska,gaar ahaan waalidiinta,mucaashaqiinta,iyo waliba tarbiyeynta caruurta,waa inoo mar kale iyo maqaalkii(Aqoonta laga aamusay!!).
W/Q:Maxamed Abuukar Sheekh Xassan(M.Deeq)
E-Mail:deeq1982@hotmail.com
No comments:
Post a Comment