gudniinka fricooniga ayaa waxa uu sababaa in la gooyo gabi ahaanba xubinta loo yaqaano kintirka oo ah halka ay haweeneydo ka dareento raaxada xiliga galmada lagu guda jiro,taas oo haween fara badan dhibaato ku haayo oo aanan u raaxeysan karin sida haweenka kale ee aanan la gudin ee xubinta kintirka uu walli sidiisii ugu yaalo.
hadaba dhaqtar u dhashay wadanka burkino faso ayaa waxaa uu soo ogaaday in xubinta kintirka uu dhirirkiisu la eg yahay 10 sentimitir ,oo ay banaanka u soo baxsantahay 2-3 sentimitir waxa ay dadka jaraana ay tahay kaliya inta banaanka u soo baxsan ,iyada oo inta badan xubinta kintirka ay gudaha ku jirto,isaga oo sheegay soo saaristiisana in ay aad u sahlantahay waxaana celinaya kaliya maqaarka banaanka ah,haddii la dilaaciyana la soo saari karo inta kale ee gudaha ku jirta hadba inta la doono.
dahqtarkan ayaa waxa uu xaruuntiisa ku sameeyaa qaliin dib loogu soo saarayo inta ka dhiman xubinta kintirka ee gudaha ku jirta,iyada oo lagu ogaaday baaritaan in haweenkii dib loogu soo saaray xubinta kintirkooda ee gudaha ugu jirtay ay ka raaxo badnaayeen markii hore oo aysan kintirka qabin.maadaama uu xubinta kintirka yahay halka haweenka gaarsiiya kacsiga ilaa gariirka oo haweenku ay si aad ah ugu raaxeestaan xilliga lagu guda jiro galmada.
arintan ayaa waxaa soo dhaweeyay haween fara badan oo afrika ku nool oo ay ka mid yihiin haweenka soomaalida,waxaana dhaqtarka hada xaruuntiisa ay noqotay mid ciriiri ah isaga oo maalin walba ku sameeya qaliin 7 ilaa 10 haween,waxaa xusid mudan in qaliinka kintirka dibada loogu soo saarayo uu qaato ugu badnaan 30 daqiiqo qarashakna uu yahay mid aad u yar.haweenkuna ay kala dooran karaan hadba inta C.M ay dooneyso.
dhaqtarkan ayaa xiriiro fara badan oo xaruumo caafimaad oo afrika ku yaalo ay la soo sameeyeen ka dib waxa uu go,aansaday in uu tago wadamada laga soo codsaday oo haween fara badan oo raba in qaliinka dib xubinta kintirka loogu soo saaraya lagu sameeyo,waxaana wadamada uu tagi doono ka mid ah wadanka soomaaliya oo haweenka soomaalida 10 kii haweenba ay 9 ka mid ah ay u gudanyihiin gudniinka fircooniga loo yaqaano kaas oo gabi ahaanba xubinta kintirka laga jaro gabdhaha soomaalida marka ay yaryihiin inta aysan qaan gaarin,waxaana la rajeynayaa in haween fara badan oo soomaali ah oo dhib ku qaba ka maqnaanshaha xubinta kintirka marka ay galmada sameeynayaan ay ka faa,ideysan doonaan.maadaama aysan hadda sidii loogu rabay aysan u dareemeynin raaxadda marka ay galamada ku guda jiraan.
No comments:
Post a Comment