Marka Hore qofna ma liido qof kale oo bani,aadam ah ama uma arko in uu ka
hooseeyo ama xunyahay ilaa uu asaga gudahiisa dareemaayo in uu liito ama yahay
qof xun,oo waxa gudaha qofka ku jira ayaa banaanka ama dhaqankaaada ka
muuqanaya mar walba ,qofkana waxaa uu qaataa dhaqanka hadba waalidkiisa sida ay u soo
koriyaan oo iyaga dhaqankooda ayuu matalaa,hadaba waxaan halkaan ku
soo gudbinayaa dhawr calaamadood oo lagu garto dadka fikradahooda qaldanyihiin
ama liita,ama u maleeya in ay dadka kale ay iyagu ka fiicanyihiin ,dadkan aan
ka sheekeyn rabno shardi ma ahan in ay noqdaan dad aadan garanaynin balse waxaa
laga yaabaa in yihiin dad aad si fiican u taqaano ama ay ku jiraan qoyskaada ,kuwa kuu
dhaw iyo kuwo kaa fog intaba waxaana ka mid ah calaamadaha lagu garto:
1-Mar waliba waa ay ka cabsadaan dadka
kale:
cabsida waxaan ka wadaa ma ahan tii laga cabsanayay qofka Shaqsi
ahaantiisa,ee waxa waaye waxaa ay ka cabsanayaan marka ay wax uga baahdaan ayeysan
awoodin in ay si toos ah qofka wax u weydiiyaan iyaga oo ka cabsanaya jawaabta uga
imaaneysa oo ay is leeyihiin ar muu kuu diidaa sheyga aad uga baahatay waxa uu
rabo ha ahaado sheygaas oo nolosha bani,aadamka la xiriira.
waxaa haboon marka aad qof bani,aadam ah aad wax ugu baahato oo aad is
leedahay waxa aad ka rabto waa ka haleysaa in aad si toos ah u weydiiso,adiga
oo uusan kugu jirin kibir iyo isla weyni iyo is maskiinis intaba oo si sharafi
ku jirto u weydiisato qofka, una sharaxdo isla markaana fahansiiso, kuna
xisaabtanto in aad kala kulmeysid haa ama maya,ogaatidna qofkan hadii waxa aad
uga baahantahay uu ku yiraahdo maya, in uu asagu xaq u leeyahay ayna yihiin
wixiisa,ayna jirto duruuf ku qasbeysa in uu ku siin waayo waxa aad markaas ka
codsatay,hadii uu ku siiyana waa sida la rabay,waxaad ku dhaheysaa waad mahadsantahay,adiga
oo abaal iyo sharaf u haaya una muujinaya.
waxaadna ogaataa in bani,aadamka uusan noolaan karin kaligiis oo ay mar
waliba isku baahanyihiin,wax waliba ayey iskaga baahanyihiin ha
ahaato,hadalka,talada,farxadda weheshiga,waxyaabaha maadiga ah oo dhan ,maanta
adiga ayaa u baahday barina waxaa suurta gal ah in uu asagu kuu soo
baahdo,marka fikirka ah in aad is tiraahdo aniga qofna uma baahni waa isku
filanahay dhinac walba waa fikrad qaladan.
waxaa kugu filan oo kaliya maanta in aad xanuunsato ama waxa aad haysto aad
weyso,aduunyada haddii aadan u baahanin waxaa hubaal ah marka aad dhimato in
aad u baahaneysid in uu janaasadaada raaco ugu yaraan si ajar aad u hesho,in uu
kuu soo duceeyo,in uu wanaagaada ka sheekeeyo,qofna ma jecla marka uu dhinto ka
dib in xumaan laga sheego,mana ogid adiga iyo dadka aad leedahay uma baahni kan
hor dhimanaya.
marka in aad bani,aadam kale ka cabsato marka aad wax weydiisaneyso iyadana
waa qalad iska ilaaliya calaamadaas,waxaa ay ku tusineysaa in aad tahay qof liita
oo aanan isku kalsooneyn oo jooga meel hoose,ogowna hadaad calaamadaan leedahay
in bani,aadamka kale ay ku fahmi karaan,bani,aadamna waxaan ula jeeda qof
kasta,waxa uu noqon karaa dad kuu dhow ama aad is taqaanaan ama aad daris
tihiin,ama xitaa aadan is kaseynin,iyo bani,aadamka dunida ku nool oo dhan
noocuu rabo ha ahaado ma ahan kaliya dad gooni ah in aad kula dhaqmeyso
calaamadaan,haddii aad tahay ruux calaamadaan leh ama dad ay kuu sheegeen in
aad leedahay iska jar sida ugu dhaqsiyahay badan.
2- Wax waliba waxa uu u maleynayaa in
asaga/iyada laga wado:
Tani waa calaamad kale oo lagu garto dadka aan fiicnayn,waxaana aad ku arki
kartaa nooc walba oo bulshada ka mid ah,marka aad qof uga sheekeysid sheeko ma
joogi karo horey ayuu ka bilaabayaa in uu is difaaco ama cawdo,waxa uu isku
maleynayaa in sheekada aad sheegeysid asaga aad ula dan leedahay,hadii sheekada ay xanbaarsantahay wax asaga noloshiisa ka mid ah.
xitaa marka TVga la daawanayo oo uu soo galo program xanbaarsan macluumaad
dadka dhan ka faa,ideysan karaan oo xikmad ama cilmi ah ,xitaa mid diini ah waxa
uu u maleynayaa in asaga laga hadlaayo,iyada oo aanan isaga loogu dan lahayn,sidoo
kale marka qoraal la soo qoro, oo uu
akhriyo waxa uu isku maleeyaa in isaga loo soo qoray oo loogu danleeyahay,ama isaga
laga hadlaayo.
calaamadan waa qatar qofka waxaa ay u sababtaa in uu waxba kororsanin noloshiisa
cilmi iyo waaya aragnimo intaba oo uu meeshiisa iska joogo iyada oo dadka kale
ay ka hor marayaan,maadaama qof waliba oo wanaag ama xumaan sheego uu isku maleeyo
in asaga loola dan leeyahay waxaana ay qofka ku abuurtaa in uu nolosha ka
shakiyo mar walba.taas oo ugu danbeyntii u sababta in uu kali noqdo,ama uu bulshada ku dhex jiro jiro isaga oo liita.
Hadaad ku aragto calaamadan qof aad garaneysid kala tali in uu iska dhaafo
ama adiga aad qabtay oo aadan horey u ogeyn oo aad hadda ogaatay meesha aad
bulshada ugu jirto iska jooji si aad uga baxdo in lagugu tiriyo dadka aan
fiicnayn.
3- Qofka oo Mar walba isla saxan
Qofka inta uu noolyahay waxa uu la kulmayaa khilaaf ka soo wajaha dadka uu la noolyahay,xitaa waxay noqon kartaa ninka iyo naagta is qaba, asxaabta iyo guud ahaan dadweynaha,hadaba marka la doodayo si khilaafka loo xaliyo waxaa laga yaabaa in ay qaadato waqti dheer iyada oo aanan wax natiijo ah laga gaarin labada qof ee wada doodeysa.
Hadaba taas waxaa sabab u ah in qof kasta uu isku haysto in uu asagu ka sax san yahay qof kale,oo meesha waxaa ka maqan in qofka haddii uu xitaa garto in uu isagu qaldanyahay awood uma lahan in uu qofka uu ku qaldoomay ku dhaho iga raali noqo,asaga ayaa isla saxan mar walba.macquulna ma ahan haddii khilaaf ama dood timaado labada qofba in ay isla wada saxanyihii ama isla wada qaldan yihiin mid uun ayaa qaldan kan kale waa saxanyahay.
Waxaa haboon in qofka uu dib u fiiriyo waxa dooda ama khilaafka keenay dadka kalena u gar dhigto haddii ay u cadaato in uu isagu qaladka leeyahay waxaa haboon in si kibir uusan ku jirin aad qofka ku dhihi karto "waan kaa qaldamay iga raali ahow" una soo hoyan kartid,haddii aadan awood u lahayn arinkaas in aad sameyso ogow xanuunka ayaa ku haya oo calaamad ka mid ah kuwa ay leeyihiin dadka xun xun ayaad leedahay iska jooji fadlan dhaqankaan.
Tan kale waxaa ay dad badan dhahaan ereyga ah “aniga waligey qof qalad kama galin” ruuxa aan qaldamin waa ilaah kaligiis qofkana waxaa loo abuuray in uu qalad sameeyo si uu uga soo towbad keeno,xitaa waxaa suurto gal ah adiga oo aadan is ogeyn in naftaada iyo dadkaba qalad ka gasho,waxa kaliya oo ku ogaan kartidna waxa waaye adiga oo xisaabtama dibna u fiiriya hadaladaada ficiladaada,naftaadana u sheegto in aad qaldami karto,hadii uu kaa dhacana qalad xalkeedu uu yahay in aad ka soo noqoto oo u hoyato qofka aad qaladka ka sameysay.
(la soco qaybaha kale ee calaamadaha lagu garto dadka aan
fiicnayn.............)
W/Q:Maxamed Abuukar Sh/Xassan(M.Deeq)
E.mail:deeq1982@hotmail.com
HI Mohamed Deeq waa adiigi iyo xabada ku lahayd trukia ila so xariri please Amalqurax@outlook.com
ReplyDeleteOr Elisslove@hotmail.com
ReplyDelete