Wednesday, 18 November 2015

Xubinta Tarbiyadda Caruurta BARO SIDA ILMAHAAGA TAAJIRIIN AY KU NOQON LAHAAYEEN MUSTAQBALKA


Waxaa la hubaa in waalid kasta uu ilmahiisa la rabo marka ay weynaadaan in ay noqdaan taajiriin ,hadaba si ay arinkaas kuugu hirgasho bar ilmahaaga marka ay yaryihiin oo ay dhiganayaan iskoolka ama ka horba 7dan arin oo ka caawineysa ilmaha in ay taajiriin noqdaan marka ay weynaadaan mustaqbalka.

1- BAR ILMAHA YAR SIDA LACAG LOO KASBADO

 Waalidka waxaa haboon in ilmahooda ay baraan sida lacag loo kasbado waqti hore inta ilmaha ay aad u yaryihiin,sababtoo ah ilmaha yar waxaa ay is weydiiyaan mar kasta lacagta waalidka haysto meesha ay ka timaado,hadaba ilmaha lacagta ha siinin kaliya ee bar in lacagta ay ku timaado in la shaqeesto oo kaliya.

Hadaba waalidku muxuu sameynayaa si uu u baro arinkaan,u sheeg ilmaha yar waxa aad ka shaqeysato iyo inta qarash ah ee aad mushaar ahaan u qaadato,ka dib ilmaha u sameey shaqo ay qabtaan  oo ay awoodaan qabashadeeda kuna dheh hadaad qabato shaqdaas waxaan ku siinayaa qarash intaas la eg,waxaana lagaa rabaa in aad u joogteeyso mushaarka aad kula hishiisay oo aadan ka joojinin iyo in aadan kala hadlin qarashka aad siisay waxa uu ku sameeynayo iyo sida uu u kala qaybinayo.

Shaqooyinka aad u direyso oo mushaarka ku siineyso waxaad ka dhigi kartaa in cabitaan ama mac-macaan yar yar aad guriga ku sameysay aad ku dhahdo dariska iyo xaafadda ka soo gad gad,ka dib lacagta marka uu keeno aad siiso mushaarkii aad kula hishiisay .

2- BAR ILMAHA YAR SIDA LACAGTA LOO DHAQAALEYSTO,WAXNA DADKA LOOGU DARSADO,WAXNA LOO ISTICMAALO.

 ilmahaaga caqligooda waxaad horey u soo bartay in uu shaqeeysto oo uu mushaar qaato ,hadda bar sida qarashka  soo galay uu sedexdaan arin ugu kala qaybin lahaay oo kala ah:

- in qayb ka mid ah uu meel u dhigto mustaqbalka.
- in qayb kale uu ku darsado hay,adaha gar gaarka ee samafalka ka shaqeeya.
- qaybta kalena waxa uu asaga u baahanyahay ha ku soo gato.

Hadaba maxaad sameyneysaa si sedexdaan arin aad u barto ilmahaaga.

Tan ah in uu lacagtiisa uu wax meel ka dhigto mustaqbalka waxaad u fureysaa akoon banki adiga oo badineynin ku bilow bil walba 10$ dollar in ay ugu dhacdo dhowr bilood ka dib waxa uu arkayaa in lacagti ay badatay,saasna waxa uu ku baranayaa sida qarashka loo dhaqaaleeysto.

Arinta ku saabsan in ilmuhu uu barto in lacagtiisa dadka kale ay la qaybsadaan waxaad bareysaa in uu lacag geeyo maalin go,an asbuucii ama bishii hadba inta duruuftu saamaxdo ururada samafalka ka shaqeeya sida kuwa masaajidada dhisa agoonta iyo danyarta wax siiya una sheeg dadkaas in ay u baahanyihiin dadka kale ee wax haysta,markaas ilmaha caqligooda waxa uu baranayaa asaga oo yar in wax la bixiyo lana siiyo kuwa aanan haysanin micnaha in wax la sdaqeysto ayaad bartay.

Tan kale oo sedexaad ee ah in ilmuhu uu lacagtiisa waxa uu rabo ku soo gato waxaad u bareysaa in aad geyso dukaanka uuna soo gato waxa uu rabo asaga dookhiisa ,tusaale ahaan waxa uu rabo waxa ay joogaan 10 doolar asagana waxa uu haystaa 5 $,fiiri waxa uu sameynayo iyo go,aanka uu qaadanayo,adiga ha fara gishanin ,kula tali dukaanka alaabta in ay taaleyso xilli walba, mar kale oo 10$ aad haysato u imow ama shey la mid ah oo qarashka aad haysato oo 5$ ah gado,u sheegna alaabta dukaanka taala haddii aad xoogaa sugto in isla sheyga maanta 10$ jooga uu bari 5$ imaanayo oo soo raqiisayo ,haddii aad saas ku tarbiyeyso waxaad ilmaha yar bartay sida qarashka uu haysto uu wax ugu soo gadan karo iyo sida loo isticmaalo qarashaadka soo gala.

La soco qaybaha kale.....



By:Mohamed Deeq
Kala xiriir email:deeq1982@hotmail.com

No comments:

Post a Comment