Monday, 23 November 2015

35 ARIN OO LA RABO IN WAALIDKA LOO SAMEEYO



35 ARIN OO LA RABO IN WAALIDKA LOO SAMEEYO

1- in aad mobilka iska damiso marka aad la joogto(micnaha aadan ku mashquulin).

2- in aad aamusto marka ay hadlayaan( ha kula hadlaan adiga ama ruux kale).

3- in aad ogolaato ra,yiga wanaagsan oo ay kuu soo jeedinayaan.

4- in aad hadalka la qaybsato,marka ay kula hadlayaan(micnaha kaligood in aysan hadlin).

5- in aad hoos isku dhigto marka aad fiirineysid adiga oo indhaha ku gubeynin.

6- in aad u mahad celiso iyo in aad si joogto ah u ammaanto.

7- in aad la wadaagto una soo dhaqsato u sheegidda dhacdooyinka farxadda leh ee kula soo gudboonaada.

8- in aadan marnaba u sheegin dhacdooyinka murugada iyo xumaanta leh ee kula soo gudboonaada.

9- in aad mar walba amaanto asxaabtooda iyo dadka ay jecelyhiin.

10- in aad soo xasuusiso guulaha iyo horumarada ay horey u gaareen.

11- in aad u dhaga nuglaato sheekadooda,xitaa haddii ay ku soo cel celiyaan mar walba isla sheekada.

12- in aadan soo xasuusinin waxyaabaha murugada leh oo horey ugu dhacay waalidka.

13- in aadan galin sheeko gooni oo gaar ah,marka aad la joogto.

14- in aad u fadhiisato si ixtiraam leh oo fiican,marka aad la joogto.

15- in aadan yareysanin isla markaana aadan fududeysanin fikradahooda.

16- in aadan soo dhex galin ,marka ay hadlayaan iyo in aadan ka tagin iyaga oo wali hadalka wada.

17- in aad ku tix galiso da,dooda iyo in aad ka ilaaliso mar walba in ilmahaaga dhibaan.

18- in aadan ku hor canaananin ilmaha aad dhashay oo ay awoowayaalka u yihiin.

19- in aad ka ogolaato dhammaan waanooyinka iyo talooyinka ay kuu soo jeedinayaan.

20- in aad fadhiga ugu kacdo marka ay yimaadaan.

21- in aadan codkaaga kor ugu qaadin,marka aad la hadleyso.

22- in aadan hortooda soconin ama gadaashooda,marka aad isla socotaan.

23- in aadan raashinka cunistiisa ka hor bilaabin,marka aad isla cunteyneysaan.

24- in aadan indhaha la raac raacin.

25- in aad ku faanto mar walba,xitaa haddii aysan istaahilin waxa aad ku faanineyso.

26- in aadan lugahaaga iskor saaranin marka aad la fadhido iyo in aadan dhabarkaada soo xijinin.

27- in aadan u sababin in la caayo(tusaale ahaan adigu ha caayin waalid kale).

28- in aad xaalad kasta ood ku sugantahay u duceyso.

29- in aadan dareensiinin daalka ku haayo,marka aad howl u qabaneysid.

30- in aadan ku qoslin haddii uu qalad ka dhaco.

31- in aad u adeegto mar walba oo aadan ka sugin inta ay kaa soo dalbanayaan.

32-in aad si joogto ah u soo salaantid,oodna marnaba ka xanaaqin(tusaale ahaan waa isku dhacsanahay ha dhihin).

33- in aad adeegsato ereyada wanaagsan marka aad la doodeysid.

34- in aad ugu yeerto magacyada ay ugu jecelyihiin.

35- in aad mar waliba wax kasta iyo dadka oo dhan ka hor marsiiso.
 
Ugu danbeyntii aqriste ma sameysaa talaabooynkan?haddii aadan sameynina isku day in aad hadda bilowdo.

By:Mohamed Deeq




No comments:

Post a Comment