Ragga Dunidan ku nool ayaa waxaa ay leeyhiin dabeecado iyo dhaqano kala gadisan,kuwaas oo aad u fara badan halkaana lagu soo koobi karin,laakiin marka ay timaado in uu guursado ayaa waxaa jirta 10 dhaqan ama dabeecad oo ragga sameeya ay dhib ku tahay haweenkooda in ay isla dhaqmaan ,hadaba maqaalkan ayaan waxaan haweenka ugu soo gudbinayaa tobankaas dhaqan oo ay raggu leeyihiin iyo waxa haweenka la gudboon si ay dhaqanadaan haddii ay ragoodu qabaan ay uga baa bi,bin lahaayeen.
1- Ninka Ciyaal maamaha:
Ninkaada in uu Sifada ciyaal maama leeyahay ayaa waxaad ku ogaan kartaa marka uu calaamadahan leeyahay,waa nin aad u jil jilicsan dhan walba, jir ahaan, hadal ahaan,badanaa waxa uu jecelyahay in uu guriga iska joogo hoostana kaaga jiro, oo banaanka in uu baxo ma jecla,waxa uu leeyahay calool soo dhacsan taas oo ay u sababtay raashinka ay hooyadiisa badanaa siin jirtay inta uu la noolaay,marka ugu horeysa waxaa uu kugu soo jiidanayaa oo aad uga heleyasaa in uu kula daawado TVga barnaamijyada ka hadla haweenka iyo musal salada iyo kuwa ka hadla cunta ka riska.
waxyaabaha aad sidoo kale aad ku garan karto in ninkaadu ciyaal maama yahay ayaa ah isaga oo marka uu kula daawanaya barnaamijyada aan soo sheegnay dhammaantooda dhaha (kan horey ayaan u daawaday),si aad ahna marka aad ugu fiirsto oo uu rabo in uu cabiro jacaylka uu kuu qabo waxa uu kugu dhahayaa(adiga waxaad tahay gabadhii ay hooyadey waligeed ku riyoon jirtay in aan guursado),marka aad is guursataan oo aad aqal gashaana waxaad arkaysaa asaga oo wax badan oo haweenka u gaar ah oo adiga kuu qarsoon kaa yaqaana oo horey ayaa hooyadiisa uga soo sheekeeysay.
hadabada haddii aad rabto in aad ninkaada dhaqankaan ka joojiso waxaad ku tiraahdaa waxaan jecelahay ninka awooda in uu dharkiisa dhaqdo oo aanan hooyadiisa ku tiirsanayn waxaa laga yaabaa in uu iska dhaafo dhaqankaas oo uu nin rag ah iska dhigo.
2- Ninka Jecel Mowdada Cusub:
Ninkaadu in iuu sifadan leeyahay waxaad ku ogaan kartaa marka uu calaamadahan leeyahay,waa nin labis badan oo xaragooda,waxa uu badanaa la socdaa mowdada hadba wixii ugu danbeeyay iyo dhammaan dukaamada moodada cusub keenay meelaha ay ku yaalaan wuu garanayaa,waxa uuna leeyahay macluumaad adiga kaa badan dhanka moodada.
waxyaabaha marka ugu horeeya ninkaan kugu soo jiidaya ayaa ah labiskiisa qurxoon dharkiisa caadiga ah iyo kan shaqadaba,badanaa waxaa u xiran garabati dharkiisuna waxa ay u badanyiihn dhar marka caalami ah,waxyaabaha la isku carfiyo iyo costomatikada aad ayuu u soo gataa,marka aan soo koobo waa nin is tus tus badan.
waxaayabaha aad kula yaabeyso ninkaan ayaa ah dharkiisa waa ay ka badanyihiin dharkaada,oo marka armaajadiisa dharka loo fiiriyo armaajadaada waxaad noqoneysaa qof aan dhar qabin,waxa uuna aad u jecelyahay in uu ku raaco marka aad shoping soo sameyneysid,waxa uuna jecelyahay in uu ku siiyo talooyin la xiriira labiskaada iyo waxa aad soo gadan rabtid.
hadaba si aad ninkaada dhaqankaan ugu reebtid waxaad weydiisaa( Yves Saint-Laurent) kaan yaa waaye ku dheh? Yves Saint-Laurent waxa uu ka mid ahaa dadka modada alifa kuwa ugu qatarsan qarnigii la soo dhaafay asaga ayaa yaabaya marka uu ku arko in aad wax ka taqaano modada iyo dadka alifa kuwa uga qatarsan.waxaana laga yaabaa in uu joojiyo is tuska badan iyo showga uu badanaa kugu sameeyo.
3-Ninka Bakhiilka:
Ninkaadu haddii uu sifadan leeyahay waxaad ku ogaan kartaa marka uu Calaamadahan leeyahay,waa nin u eg ruux taajir ah badanaa laakiin kama muuqato,badanaa ma aado xafladaha iyo munaasabadaha ilaa loogu yeero,waxa uu guursadaa asaga oo da, weyn.
waxyaabaha marka ugu horeysa ninkaan kugu soo jiidanayo ayaa ah dadaalkiisa iyo caqligiisa faraha badan ee la xiriira dhanka shaqadiisa iyo mustaqbalkiisa sida uu ugu fikiraayo,iyo hanka weyn ee ku jira marka aad aragto ayaad waxaad is leedahay allay lahee waa nin aad u wanaagsan.
waxyaabaha aad kula yaabeysid ninkan ayaa ah,hantidiisa oo dhan hal meel ayey ku baxdaa oo ah bankiga ayuu ku kaydsadaa ama meel ayuu dhigtaa,mana ogala in ay si dheel dheel ah ugu baxdo oo mar waliba oo qarsh loo baahdo cudurdaar ayuu kuu keenayaa oo ah in uu wax ku hagaajiyay lacagtiisa ama mashruuc uun ayuu ku dhex jiraa oo aanan dhammaanin mar waliba,oo ma arkeysid asaga oo aysan dhanka qarashka marna wax si ka ahayn,marka aad qabto xafladda dhalashada waa xanuunsadaa,haddii aad maqaayad isku raacdaan ama meelaha dadku ku badanyahay goorta la soo gaaro in lacagta la bixiyo 10 daqiiqo ayuu musqusha ku cararaa asga oo ku dhuumanaya ilaa aad inta aad sugi weyso aad adigu bixiso qarashkii.
hadaba si aad ninkaada dhaqankaan ugu baab,ibiso waxaad ku dhahdaa(ma ogtahay in aan anigu ahay naagta aduunka ugu qarash isticmaalka badan oo waxaan ahay qof musrifad ah) waxaa laga yaabaa in uu iska dhaafo bakhaylnimada xad dhaaf ka ah maadaama uu ka baqayo in aad qarashka dhan aad ka wada isticmaasho wax ayuu ogolaanayaa markaas oo sida uu hadda yahay ma ahaanayo.
4- Nika Ciyaaraha aadka u jecel:
Nikaada haddii uu sifadan leeyahay waxaad ku ogaan kartaa marka uu calaamadahan leeyahay,waa nin xoog weyn oo murqo leh,mar waliba waxaa uu diyaar u yahay in uu ciyaar aado ama koox ha ka tirsanaado ama ciyaar saaxiibtinimo ha ahaato,waxa uu aad u jecelyahay in uu ku labisto dharka sportiga mar waliba.
waxyaabaha marka hore ninkaan kugu soo jiidanayo ayaa ah muuqaalkiisa qurxoon ee awooda iyo fir fircoonida leh,iyo sida jirkiisu u dhisanyahay markaas ayaad waxaad is leedahay ninkaan xoogna waa leeyahay waana fir fircoonayahay oo waa ku kaalmeynayaa mar waliba.
waxyaabaha aad kula yaabeysid ninkan ayaa ah inta badan waxaa uu ku maqanyanyahay garoonka ciyaaraha ama meesha jir dhiska oo waqti kooban ayuu guriga joogaa waana waqti uu daalanyahay,marka uu guriga joogana muraayada ayuu agtaaganyahay asaga oo marba murqihiisa eegaya iyo qaab dhismeedka jirkiisa.
haddii ay dhacdo in uu casho kugu casuumo banaanka in aad ka soo casheysaan waxa uu ku geeynayaa meel ay ku xerantahay shaa shaadaha aadka u weyn oo ciyaaro ay ka socdaan.
hadaba si aad ninkaada dhaqankaan ugu gooysid waxaad soo ogaataa kooxda uu aadka u taageero,ka dibna adigu mar waliba taageer kooxda ay iska soo horjeedaan si uu tar tan idinkaga dhex bilowdo waxaadna ku dhahdaa in aad adigu tahay taageeraha ugu weyn ee kooxda ka soo horjeeda ,oo waxa uu kuu aqoonsanayaa in aad tar tan kula jirto waana uu yareynayaa dhaqankaas ileen adiguba kooxda ka soo horjeeda ayaad taageersantahaye.
5-Ninka haweenka jecel:
Ninkaadu haddii uu sifadan leeyahay waxaad ku ogaan kartaa marka uu calaamadahan leeyahay,ha ahaado nin taajir ah ama nin faqiir ah waxa uu leeyahay calaamadan waxa uu haweenka kale ula dhaqmaa sida in ay qayb jirkiisa ka mid yihiin oo mar walba waxaad arkaysaa asaga oo haween uun daba socda,waxa uuna aad u yaqaanaa hadalada haweenka qalbigooda sida aadka ah u soo jiita,haweenka oo dhan waxa uu jecelyahay in uu la socdo,waxyaabaha marka hore kugu soo jiidaya ninkan ayaa ah,hadalada qalbiga u roon ee naxariista iyo kal gacaylka ka buuxo kaas oo qalbigaada si toos ah ugu dhacaya.
waxyaabaha aad ninkaan kula yaabeysid ayaa ah qaabka uu adiga kula dhaqmo ayuu haweenka kale oo dhan ula dhaqmayaa,waxaana dhacda xiliyada qaar marka uu rabo in uu ku amaano inta uu is iloowo in uu kugu yeero magac haween kale.
hadaba si aad dhaqankaan xun uga goysid ninkaada waxaad ku dhahdaa(aabahay waxa uu qatar ku yahay sida waranka loo tuuro waxa uuna rabaa in uu si aad ah kuu barto oo kula sheekeesto),haddii uu adiga si aad ah kuu jecelyahay waxaa suurtoowda in uu iska daayo dhaqankaan.
6- Ninka Mashruuc alifaha ah:
Ninkaadu haddauu sifadan leeyahay waxaad ku ogaan kartaa marka uu calaamadahan leeyahay,badanaa waxaa ugu jira okiyaalo caafimaad oo uu ku qurux badanyahay,badanaa waxa uu gacanta ku wataa joornaal ama buug,marka aad sheekeysaneysaan waxa uu soo bandhigaa xeeldheerida aqoontiisa,waana nin wax badan ka yaqaana cilmiga iyo taariikhda.
waxyaabaha ninkaan marka hore kugu soo jiidanaya ayaa ah cod karnimadiisa iyo hadaladiisa xikmada iyo cilmiga xanbaarsan.oo aad ula dhaceysid,
waxyaabaha aad ninkaan kula yaabeysid ayaa ah waxaad la noolaaneysaa nin dooqiisa iyo fikradahiisaba ay daqiiqad walbaba is badaleyso ,tusaale ahaan waxaa uu kugu dhahayaa banaanka lagama soo casheeynayo caawa,wax hadiyad ah looma qaadayo xafladaha,waqtigiisa badanaa waxa uu ku lumiyaa in uu keeno fikrado cusub oo is bad badalaya,haddii uu khilaaf yar idin dhex maro waxa uu isku dayaa in uu buug ka sameeyo oo uu qoro sheekada khilaafkiina
hadaba si aad dhaqankaan ugu goysid ninkaada waxaad u sheegtaa in aad wax badan ka taqaanid buugaagta ay dadkii hore qoreen ee cilmiga ku saabsan iyo in aad wax badan soo daawatay aqrisatayna sheekooyin ay dad hore oo caan ah ay qoreen waxaa laga yaabaa marka uu kuu dareemo in aad xoogaa wax ka ogtahay waxa uu maalin walba ka sheekeynayo waxaa laga yaabaa in uu dhaqankaan iska joojiyo.
7-Ninka Khiyaaliga ah:
Ninkaadu haddii uu sifadan leeyahay waxaad ku ogaan kartaa waa nin dagan oo aanan hadal badnayn,codkiisu waa gaabanyahay,sheekadiisuna waa yartahay,kama dareemeysid bulshada dhexdeeda oo waa nin gooni u socod ah,waxyaabaha marka hore kugu soo jiidaya ninkaan ayaa ah adiga oo daneynaya in aad ka sal gaarto bal ninkan waxa u qarsoon oo uu hoosta ka wato,iyo in aad ka lib gaarto macnaha qosolkiisa oo ku dheehantahay gal gacayl.
waxyaabaha aad ninkaan kula yaabeysid ayaa ah dadka waxa uu kula dhaqmaa hadba sida ay maskaxdiisu u suuradeyso,isaga oo aanan kula dhaqmin dadka xaqiiqda waxa ay yihiin,riyadiisuna badanaa waa mid ku dhisan wax khiyaali ah kamana shaqeeyo sidii uu u gaari lahaa himadiisa iyo riyooyinkiisa.
hadaba si aad dhaqan xun ninkaada ugu goysid waxaad u sheegtaa in aad jeceshahay aflaamta akshanka,ciyaarahana kuwa aad ugu jeceshahayna ay tahay tan musaaracadda waxaa suurtoowda in uu dhaqanka xun iska daayo.
8-Ninka jecel sinaanta:
Ninkaadu haddii uu sifadan leeyahay waxaad ku ogaan kartaa waa nin xamaasadeysan mar waliba,marka uu hadlayana waa nin aanan kontoroolin carabkiisa oo hadalka ku dagaalama kuna dooda,waxa uu jecelyahay in uu ka hadlo siyaasadda mar walba,waxa uu aad u qadariyaa kaalinta ay haweenku ku leeyihiin bulshada dhexdeeda,waxyaabaha ninkaan marka hore kugu soo jiidaya ayaa ah sida uu marl waliba ugu dooda xuquuqda haweenka iyo in ay waajib tahay in ragga iyo haweenku ay wax waliba isla wadaagaan,waxaadna is leedahay ninkani waa kii aad ka heleysay xaqaada oo dhan,iyo asaga oo gabi ahaanba aanan daawanin Chanaleada soo daaya ciyaaraha.
waxyaabaha aad ninkaan kula yaabeysid ayaa ah waxaad weyn doontaa waxyaabo badan oo haweenka kale ay haystaa sida in uu albaabka gaariga kuu furo marka aad gaariga isla raaceysaan ,in uu kaa bixiyo qarashka marka aad shoping soo sameysato ama aad maqaayad ka wada cunteysaan,in uu ubax kuu soo diro,ama gaarigiisa uu kugu sii gaarsiiyo meel aad ka deg deg santahay,waxa uu dushaada saarayaa mas,uuliyaad fara badan oo dhanka maadiga la xiriirta si uu kuu dareensiiyo in aad isku filnaansho gaarto mustaqbalka .
hadaba si aad dhaqankaan xun ninkaada uga goysid waxaad ku dhahdaa waxaan doonaye nin aan ku tiirsanaado dhan waliba oo dhinac waliba i garab si taagan waxaa laga yaabaa in uu dhaqankaan xun iska dhaafo.
9-Ninka Shaqada badan:
Ninkaadu haddii uu sifadan leeyahay waxaad ku ogaan kartaa waa nin ganacsi badan ,aqli badan,leh waxyaabo badan oo uu mustqablaka ku fikiraayo,waa nin haybad leh inta badan waa adagtahay sida aad ku hesho oo waa mashquul,waxyaabaha ninkan kugu soo jiidaya marka hore ayaa ah waa nin nolosha guul ka gaaray dhan waliba wax waliba oo aad u baahantahayna waa kuula diyaar mar walba dalbakaada iyo ka badan.
waxyaabaha aad ninkaan kula yaabeysid ayaa ah isaga oo aadan heleynin waqti walba waa mashquul ama lama heli karo,qofka kaliya ee aad heleyso marka aad u baahato waa sekertarigiisa taas oo talefanka kaa qabaneysa kuuna sheegeysa in aanan xiligan la heli karin oo uu mashquul yahay taas oo kuu sababaysa in aad asxaab dhaw noqotaan sekertarigiisa maadaama ay mar waliba talefanka kaa qabaneyso.
Hadaba si aad dhaqankan ugu goysid ninkaada waxaad ku dhahdaa waxaan rabaa maanta in aan waqti badan xafiiskaada kugula soo qaato aniga iyo adiga kaliya waxaa laga yaabaa in uu iska dhaafo dhaqankaan .
10-Ninka kalinimada jecel:
Ninkaadu haddii uu sifadan leeyahay waxaad ku ogaan kartaa ,waa nin wanaagsan oo romansy ah ,wax asxaab ah ma lahan ,waxa uu aaminsanyahay in qoraxdu ay daraadaada u soo baxdo una dhaco.waxyaabaha kugu soo jiidaya marka hore ayaa ah ahmiyadda uu ku siinayo iyo sida uu kuu daneynayo,waana nin aad u dareen badan,waxa uuna mar waliba raadiyaa jaanis yar si uu kugu qanciyo jacayliiksa.
waxyaabaha aad ninkaan kula yaabeysid ayaa ah waxa uu rabaa mar waliba in daraadaada uu u sameeyo wax waliba adiguna aad mar waliba dhinac joogtid,waxa uuna aad u daneynayaa mar waliba in aad asaga uun u soo go,do waqti waliba,.
hadaba si aad dhaqankan ugu goyso ninkaada waxaad ku dhahdaa waqtiyada iigu qiimaha badan waa waqtiga aan kaligey ahay waxaa laga yaabaa in uu iska dhaafo dhaqankaan .
DHAMMAAD
NB:Haweenka u baahan in la siiyo Talo la Xiriirta Nolosha iyo Caafimaadka Gurigooda Fadlan la soo xariira Maxamed Deeq,Emailka hoos ku qoran.
W:Q:Maxamed Abuukar Sh/Xassan(M.Deeq)
E-mail:deeq1982@hotmail.com
Facebook: https://www.facebook.com/deeqyare1982